Xasan: Saacid wuxuu ahaa daacad, Cabd Weli awood ayuu is-biday CUMAR-na….

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowladda SoomaaliyaXasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha ay isku qabteen ra’iisul wasaarayaashii lasoo shaqeeyay.

Isaga oo ku hadlayay Luqadda English-ka ayuu mid mid u sharaxay waxyaabaha keenay inay isla shaqeyn waayaan seddexdii ra’iisul wasaare ee uu magacaabay inta uu hayay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaarihiisii ugu horeeyay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayuu sheegay inay wada shaqeyn waayeen kadib markii uu qiimeeyay muddada sanadaha ah ee horyaala iyo shaqooyinka laga rabay oo badan, ayna suurogal noqon weysay inay isla fahmaan howlaha horyaalay, laakiin waxa uu qiray in Saacid uu ahaa nin daacad ah.

Ra’iisul wasaarihiisii Labaad Cabdiwali  Axmed Maxamed ayuu sheegay inuu ahaa ruux awood u lahaa qabashada shaqooyinka loo xilsaaray, balse uusan aqbalsaneyn kala sareyta awoodaha Hayadaha dowladda, uuna is-biday awood gaar ah.

Wuxuu Saacid ku amaanay wanaaga uu lahaa iyo Daacidnimada ka muuqatay, laakiin culeesyo badan oo jiray ay sababeen inay wada shaqeeyaan.

“Ra’iisul wasaarihii xigay Nasiib daro, wuxuu lahaa awooda, laakiin waxaan dhihi lahaa inkastoo awood u lahaa shaqada wuxuu ahaa qof aan ixtiraamin kala duwanaanshaha awoodaha Hay’adaha dowladda oo Somalia ay leedahay”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Kadib waxaa yimid ra’iisul wasaarihii seddexaad oo ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, wuxuuna sheegay inuu ahaa ruux aqbali karo howlaha horyaala ayna isku fahmeen inay wax wada qabtaan mudadii u harsaneyd.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa magacaabay seddex ra’iisul wasaare, waxaana dowladda ku xigta ay balanqaatay inay ku dadaali doonaan inay iska dhameysan doonaan ra’iisul wasaarihii la magacaabay bishii Febraayo ee sanadkii 2017.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com