Wasiirka maaliyadda ee DF Beyle oo lagu eedeeyay laba arrin oo aad u culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa eedeyn ay kaga timid xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda, waxaana lagu wargeliyay xafiiska madaxweynaha iyo xafiiska Kheyre.

Warqad kasoo baxday xafiiska xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa lagu eedeeyay wasiir Beyle inuu xafiiska wasaaradda maaliyadda ka wado qas iyo xad gudub sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay.

“Waxaan rabaa inaaninaan ku xusuusiyo labada Xafiis ee Wasiirka Maaliyadda iyo kan Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ay howlahooda kala madax banaan yihiin , waxaan kaloo ku xusuusinayaa in  shaqaalaha xafiiska Xisaabiyaha Guud aysan ka mid aheyn kuwa Wasaaradda Maaliyadda, aadna ku laheyn magacaabis”ayaa lagu yiri Warqada ka soo baxday xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com