NISA oo fadeexad culus ku furtay WASIIRKII hore ee amniga DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa goor-dhow ku dhawaaqay inay hakisay qandaraasyo malaayiin dollar dhan, oo hay’adda ah, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay.

Qoraal kooban oo ay hay’adda caawa soo dhigtay barta twitter-ka ayey ku sheegtay in qandaraasyada uu bixiyey wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, islamarkaana si xooggan u mucaaradsan xukuumadda talada haysa.

Sida ay hay’adda sheegtay qandaraasyada la hakiyey ayaa loo gudbiyey hanti-dhowrka guud ee qaranka, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso, kuwaas oo kadib qaadi doona tallaabo ka dhan ah.

NISA ma bixin faah-faahin intaan dhaafsan. Si kastaba Caasimada Online ayaa baaritaan deg deg ah ku sameysay arrintan, waxaana xiriir la sameynay dad xog ogaal u ah arrintan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka tirsan NISA, ayaa Caasimada Online u sheegay in qanadaraasyada la hakiyey ay yihiin kuwa raashinka ee hay’adda NISA, kuwaas la siiyey shirkad uu wasiirka wax ka leeyahay.

Sida aan xogta ku helnay qandaraaska ayaa bishii ku kacaya 300 oo kun oo dollar, wuxuuna socday muddo saddex sano, oo kasoo billaabata intii Cabdirisaaq Cumar uu ahaa wasiirka amniga Soomaaliya ilaa waqtigan, oo la hakiyey qandaraasyada.

Baaritaanka NISA ay sameysay ee lagu hakiyey qandaraaska, ayaa waxaa lagu ogaaday in muddadaas ay hay’adda uga baxday qandaraaska lacag 10 milyan oo dollar ah.

Shirkadda qandaraaska la siiyey, ayaa waxa ay NISA ogaatay inay si wadajir ah u leeyihiin wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar iyo nin seedigiis ah.

Lacagta shirkadda qandaraaska lagu siiyey ayaa la rumeysan yahay inay aad uga badan tahay raashinka ay hay’adda u baahan tahay, taasi oo dhalisay shakiga xooggan ee keenay baaritaanka gudaha ah ee NISA ay sameysay.

Lacagta 300 kun ee dollar bishii ah ee shirkaddan la siiyey, ayaa la sheegay inay bishii mushahar u noqon karto saddex kun oo askari, oo ah ciidamada dharka cad ee NISA.

Cabdirisaaq Cumar, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa haysta xasaanad buuxda, mana cadda tallaabada laga qaadi karo, marka hanti-dhowraha guud uu soo dhameeyo baaritaanka.

Cabdirisaaq Cumar, weli kama hadal arrintan, xiriir aan la sameynayna nooma suurto-gelin inaan helno, balse dad ku dhow ayaa sheegay inuu jawaab bixin doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com