Xildhibaan C/risaaq Cumar oo ka jawaabay fadeexadii ay hay’adda NISA ku furtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya,  Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii xalay kasoo baxay hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA, ee lagu sheegay in la hakiyey qandaraasyo uu bixiyey.

NISA ayaa sheegtay qandaraasyada la hakiyey loo gudbiyey hanti-dhowrka guud ee qaranka, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso, kuwaas oo kadib qaadi doona tallaabo ka dhan ah.

Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu xildhibaan Cabdirisaaq ku cadeeyay in munaasab aanu eheyn in dib loo soo faago arrintan, maadaama uu laba sano ka hor xilka iska wareejiyay.

“NISA oo mas’uul xil horay u hayay si daahfurana xilkaas ugu wareejiyay Masuulkii xilka kala wareegay in aay dacaayad raqiis ah baraha bulshada soo dhigaan 2 sano ka dib iyado loga gol leeyahay in la isku cabsi geliyo. Waxaa nasiib darro ah in NISA iskubedeshay NSStii kaligitaliska” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Xildhibaan C/risaaq Cumar oo katirsan Guddiga amniga ee Golaha Shacabka, ayaa ka mid ah xildhibaanada aadka u dhaliila dowladda Somaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka tirsan NISA, ayaa Caasimada Online u sheegay in qanadaraasyada la hakiyey ay yihiin kuwa raashinka ee hay’adda NISA, kuwaas la siiyey shirkad uu wasiirka wax ka leeyahay.

Sida ay sheegeen xubno ka tirsan NISA, oo codsaday inaan la magacaabin, qandaraaska ayaa bishii ku kacaya 300 oo kun oo dollar, wuxuuna socday muddo saddex sano, oo kasoo billaabata intii Cabdirisaaq Cumar uu ahaa wasiirka amniga Soomaaliya ilaa waqtigan, oo la hakiyey qandaraasyada.

Baaritaanka NISA ay sameysay ee lagu hakiyey qandaraaska, ayaa waxaa lagu ogaaday in muddadaas ay hay’adda uga baxday qandaraaska lacag 10 milyan oo dollar ah.

Shirkadda qandaraaska la siiyey, ayaa waxa ay NISA ogaatay, sida ay sheegtay, inay si wadajir ah u leeyihiin wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar iyo nin seedigiis ah.

Cabdirisaaq Cumar, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa haysta xasaanad buuxda, mana cadda tallaabada laga qaadi karo, marka hanti-dhowraha guud uu soo dhameeyo baaritaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com