25.1 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Madaxda Galmudug oo shir dib u heshiisiin qabanaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno deegaanada Galmudug ayaa sheegaya inay socdaan dadaalo dib u heshiisiin ah oo madaxda dhaqanka iyo xubno ka tirsan aqalka sare ay wadaan.

Shirkaan dib u heshiisiinta oo horey u baaqday ayaa waxaa la filayaa in 7 Bishaan uu qabsoomo, waxaana dadaalkaasi doorweyn ka ciyaaraya odayaasha dhaqanka iyo xildhibaanada aqalka sare ee kasoo jeeda Galmudug.

Shirkaan ayaa ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug seddex maalin kadib, sida qorshaha uu yahay sida uu saxaafadda u sheegay Suldaan C.Naasir Jaamac oo kamid ah salaadiinta gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay in shirkaasi ay rajeynayaan inay kasoo baxaan natiijo farxad geliso shacabka Galmudug, maadaama marar badan khilaaf uu hareereeyay.

Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaa sababay in doorashooyin ay ka kala dhacaan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb, sidoo kale wuxuu khilaafka sababay in shaqooyinka maamulkaasi ay joogsadaan.

“Gogoshaan waxaan u dhigeynaa in Galmudug Xalkeeda la helo, waana muhiim in la helo xal waara oo mid bulsho iyo mid siyaasadeed ahba, bulsho walbaa marka maamul ay dhisato waxaa wacan inay wanaagiisa ka shaqeeyaan” ayuu yiri Suldaanka.

Haddii shirkaasi ay ku heshiiyaan madaxweynaha Galmudug, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka, waxaa meesha ka bixi doono madaxweynaha lagu doortay Cadaado iyo guddoonka baarlamaanka ee Dhuusomareeb lagu doortay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News