Dowlada Soomaaliya oo sii fogeyneysa mucaaradka aan la dhacsaneyn (Aqri)

Tan iyo waxii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo waxaa soo baxay siyaasiyiin mucaarad ku noqday hogaanka dowladda, kuwaasi oo aan la dhacsaneyn hanaanka ay wax u socdaan.

Mucaaradnimada siyaasiyiinta qaar oo dowladda ka tirsan iyo kuwa aan ka tirsaneyn ayaa ka dhalatay markii ay waayeen balanqaadyo loo sameeyay intii ololaha doorashada ay socotay, halka qaarkoodna ay la kulmeen weeraro toos ah.

Weerarada afka ah ee ka yimaada hogaanka dalka iyo jawaabaha adag ee ay bixiyaan madaxda mucaaradka ayaa horseedaya sii kala fogaanshaha labada dhinac, halkii xal loo heli lahaa.

Dhamaadkii bishii September madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in siyaasiyiinta xanaaqsan ay muujiyeen Daciifnimo, islamarkaana ay niyad jibiyaan shacabka Soomaaliyeed, taasi waxay keentay in mucaaradka ay sii fogaadaan.

Sidoo kale markale madaxweyne Farmaajo ayaa ka sheegay magaalada Jubba ee dalka Sudan hadal kasii careysiiyay mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada,  taasina waxay horseeday inuu sii fogaado aragtida mucaaradka.

Iyadoo dhamaan hadaladaasi ay jiraan ayaa haddana guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu si cad u sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ah looga baahan yahay inay lasoo saftaan argagixisada, taasi oo dad badan kasii careysiisay.

Waxay taasi keentay in jawaabo adag ay bixiyaan siyaasiyiinta qaar, iyadoo xitaa jawaabaha isla gaaray meel aan wanaagsaneyn, taasina waxay sababeysaa sii fogaanshaha siyaasiyiinta dooneysa inay wax dhisaan ama talooyin siiyaan dowladda.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, United States

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid