Axmed Cabdi Salam, Yusuf Garaad, Cabdi Kariim Xuseen Guuleed + Kuwa kale iyo hal jago “XOG”.

Waxaa maalmahan soconaya olole xoogan oo loogu jiro wasiirada iyo sidii loo qeybsan lahaa waxana jira wasaaro si gaar ah laysugu haysto oo rag badan oo hal qabiil kasoo jeeda ay ku tartamayaan in mid kasto uu isaga noqdo kan noqonaya wasiirkaas.

Wasaaradaha dowladda ayaa kala muhiimsan iyadoo wasaarahada sida weyn loo qiimeeyo ay kamid yihiin 1 -gaashaandhiga 2- arimaha gudaha iyo amniga 3- maliyada 4 arimaha dibada,5 cadaalada 6 warfaafinta,7-Gaadidka cirka dhulka dekadaha iyo garoomada.

Wasaaradda sida gaarka ah ama tartanka ugu culus uu ka jiro waa wasaaradda Ariimaha gudaha iyo Amniga Qaranka xukuumadda Dr Saacid oo ay ku dagaalamayan rag kasoo jeeda beesha Habar gidir oo Hal wasaarad ay ka dhaxayso jufooyinka kala duwan ee Beeshas.

Magacyada lala xiriirinayo inay qaban doonaan jagada Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka waxaana kamid ah Kuwo horey loo bartay iyo kuwo ku cusub saaxadda siyaasadda Somalia.

Xog ay Caasimadda Heshay ayaa sheegaya in wasaaradda Arrimaha gudaha Amniga Qaranka ay isku haystaan Magacyo ay kamid yihiin Axmed Cabdi Salaan,Yuusuf Garaad, Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, waxaa kaloo jira nin isna  magaciisa lagu sheegay Farxaan.

Axmed C/salaam Xaaji Aadan waa siyaasi aan ku cusbeen masraxa siyaasadda Somalia wuxuuna horey u soo qabtay Xilka Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna wasiirka Warfaafinta, iyo arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumaddii Nuur Cadde ee Madaxweyne C/laahi Yuusuf,wuxuu kaloo Axmed Cabdi Salaan ahaa mid kamid ah milkiilayasha idaacaddii bur burtay ee Horn Afrik waxaana u dhaxda Gabadha Saxafiyadda ah ee Falastiin Axmed Xaaji Iiman oo Haatan ka shaqeyso idaacadda VOA-da Laanteeda Afka Somaliga.

Waxaa jira fursado labo ah uu haysto Axmed C/salaan oo ku aadan sidii uu ku noqon lahaa wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka kuwaas oo kala ah:-

1-Siyaasigaan Axmed C/salaam ayaa xiriir fiican la leh  Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo Cabdi Faarax Shirdoon,waxaana Madaxweyne Xasan sheikh ay ka wada tirsanaayen bulshada Rayidka oo Axmed Cabdi salan iyo Madaxweynaha ay isla dhiseen ururo bulsho rayid ka hor intii Axmed cabdi salan uusan noqon wasiirka isboortiga iyo dhalinyarada dowladii c/laahi Yuusuf.

2-Sidoo kale Axmed cabdi salaan wuxuu kaloo xiriir fiican kala dhaxeeyaa Ra’iisul Wasare Cabdi Faarax Shirdoon ay si wanaagsan isku yaqaanan waxaana taas sababteeda leh xaaska Ra’iisul Wasaraha oo lagu magcabo Xildhibaanad Caashi Xaaji Cilmi oo ururada Bulshada Rayidka ay wada shaqeen fiican kala dhaxeeysay Axmed Cabdi Salaan,Dr Saacid waxaa suura gal ah in seedigiisa Axmed Cabdi Salaan uu u magacaabo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka xukuumadda uu dhawaan so magacaabi doonno.

Magaca 2-aad ee lala xiriirinayo inuu noqonaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa ah Yuusuf Garaad Cumar madaxii hore Laanta AFka Somaliga idaacadda BBC-da kaas oo kamid ahaa musharaxiinta xilka Madaxweyne 10-ki bishii September lagu qabtay Muqdisho laakin hellay codad tiro yar.

Yuusuf Garaad waxaa la sheegaa inuu yahay saaxib kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu leeyahay kaas oo raba in loo magacaabo wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka waxana labadan Wa Madaxweyne Xasan sheikh iyo Musharax Yuusuf Garaad ay xiriirkooda xoogaystay xilligii Prof.Xasan Sheekh Maxamuud uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga nabadda iyo horumarka oo Doodada idaacadda BBC-da si wanaagsan loogu hagar bixi jiray Xasan Sheekh jimco dhaafna loogu marti qaadi jiray Barnamijka Falanqeynta Jimcaha oo mowduuc kasto lagu soo qaato meel uun laga soo galin jiray Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ugu qeyb galo doodaas si ay bulshada u bartaan.

Rag kale oo iyana lala xiririnayo inay musharaxiin u yihiin wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka inay qabtaan xilkaas kuwaas oo ah rag aan saaxadda siyaasaded laga aqoon waana kuwo ku cusub waxaa kamid ah nin magaciisa lagu soo koobay C/kariin.

Ninkaan Cabdi Kariin lagu sheegay magaciisa waa nin ka tirsan xisbiga Dammu Jadiid oo ah xisbi horey ugu go’ay AL Islaax waana xisbiga sida saxda ah uu ugu tirsan yahay Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud wuxuna C/kariin dhawanahan  isna kamid ah xisbiga horumarka Nabadda oo ah xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh uu Guddomiyaha ka ahaa.

Waxaa kaloo jira mid kale oo isna magaciisa lagu sheegay Farxaan oo ilmo adeer ay yihiin Wasiirkii Arrimaha gudaha dowladdii C/wali Gaas.

Musharaxiinta jagada Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga oo aan kor kusoo sheegnay magacyadooda ayaa waxaa saddex kamid ah ay hal Jufo kasoo jeedaan kana soo jeedaan Beesha Ceyr kuwaas oo kala ah,Yuusuf Garaad,Axmed C/salan iyo Farxaan halka C/kariin uu kasoo jeedo Jufada Sacad ee Habar gidir.

Si kastaba Ra’iisul Wasaara Dr Saacid ayaa horyaala xulasho muhiim ah waxana looga fadhiyaa in uu kasoo dhex Xulo ninkii noqon lahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Beesha Reer Seedigiis(Habar Gidir)oo ay kasoo jeedo xaaskiisa Xildhibaanad Caashi Xaaji Cilmi