Chelsea oo isha ku heysa xidiga kooxda Corinthians Paulinho.

Chelsea ayaa isha ku heysa xidiga reer Brazil ee kooxda Corinthians uga ciyaara qadka dhexe Paulinho, kaasoo ay dooneyso inay lasoo wareegto bisha Janaayo marka uu suuqu furmo.

Waxayna Blues dooneysaa inay xidiga garabka uga ciyaara ee reer France Florent Malouda u dirto kooxda ka dhisan isla dalkaasi ee Santos.

Tababaraha kooxda Chelsea Roberto Di Matteo ayaa horay gacanta ugu heystay xidigaha kasoo jeeda dalka Brazil ee kala ah Oscar, Ramires, David Luiz iyo Lucas Piazon.

Xidigaan ayaa keliya diirada u saarneyn Chelsea waxaana ay kooxda London dagaal la geli doontaa kooxda Serie A Inter Milan.

Paulinho, waa 24 jir ku wanaagsan qeybta burburinta dhexe wuxuuna booska kula tartami doonaa ninka ay isku wadanka yihiin ee Ramires.