Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif) oo ku Dhawaaqay in uu yahay Musharax u Taagan Madaxweynaha Galmudug.

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay Munaasabad Balaaran oo ku saabsan soo Bandhigida Musharaxnimada Madaxweynaha Galmudug Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif) waxaana Munaasbadaas ka soo qayb galey Xildhibaanada Dowlada Federaalka, Kuwa Galmudug, Siyaasiyiin, Odoyaasha Dhaqanka , Haween iyo Dhalinyaro.

Ugu Horeyn waxaa Munaasbadaas ka hadley Gudoomiyaha Gudiga  qabanqaabada Munaasabada waxaana uu sheegey in Muddo dheer  la qorsheynayey in Axmed Shariif uu ka mid  noqdo Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug ka dib markii ay isku raaceen Musharaxnimadiisa Bulshada Ku nool  deegaanada Maamulka Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenkii Horey  eee Ximan iyo Xeeb Cabdi Kuus Suldaan Axmed Nuur  oo isna ka hadley Munaasbadaas ayaa waxaa uu yiri “marka hore waxaan u Mahadcelinayaa Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug  sida Geesinimada Leh ee ay u badbaadiyeen Maamulka Galmudug marka Xigta Maamulkii hore waxaan u dooraney arrimo Fara badan oo ay ugu horeyso Dib u heshiisiinta, Nabadgelyada, Horumarinta iyo dib u soo celinta Kaabayaasha Dhaqaalaha  Dhamaan arrimahaas waxba lagama qaban sidaa darteed  waxaan Axmed Shariif uga fadhinaa in uu Dhamaan Baahiyahaas uu wax ka qabto ”

Farxiya Cabdulaahi Shiikhdoon oo ka tirsan Xilldhibaanada Maamulka GalMudug oo iyana Goobta ka hadashey ayaa  u soo jeedisey Qaybaha kala duwan ee Bulshada in ay deg deg ugu Gurmadaan Dadka dhibaatada ka soo gaartey Abaaraha, iyadoo sheegtey in ay soo dhaweyneyso Musharaxnimada Axmed Shariif

Waxaa kale oo Munasabadaas ka hadley Suldaan Bayle iyo Imaam Cabdulaahi Khaliif Rooble   oo ku hadlayey Magaca Odoyaasha Dhaqanka waxaa ay  sheegeen in Dhibaato ay ka soo mareen Dhismhihii Maamul u sameynta Axmed Shariif-na looga baahan yahay in uu  isku xiro kana shaqeeyo Midnimada  Bulshada Galmudug.

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame   oo  Hadal  qiiro leh Halkaas ka jeedisey ayaa sheegtey inaan la difiri Karin Howlahii uu qabtey Maamulkii Hore ee Galmudug waxay kaloo ay sheegey in ay soo dhaweyneyso Musharaxnimada  Axmed Shariif hase yeeshee wax si gaar Baaq ugu dirtey Bulshada Galmudug in ay uu sara kacaan wax u qabashada Dadka ay abaaruhu sameeyeen

Wariye Cabdinaasir Xirsi Iidle oo tagey Deegaano dhowr oo ku yaal Gobolka Mudug  ayaa ka mid ahaa dadkii Munaasbadaas ka hadley waxaana uu ku dheeraadey ka hadalka Dhibaatoyinka Abaaraha ee ku dhuftey Deegaanadaas waxaa uuna Hoosta ka Xariiqey sida ay laga maarmaanka u tahay in Dadka iyo duunyada halkaas ku nool loo Gurmado.

Musharax  Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif) oo Munaasabadaas ka hadley  ayaa ugu horeyn Shaaciyey in uu yahay Musharax u taagan Xilka Maamulka Galmudug wuxuuna  ku dheeraadey waxa uu qaban doono haddii loo doorto Madaxweynaha GalMudug  waxaana uu yiri “ waxaan doonayaa in aan wax qabato Nabadgeliyada, soo nooleynta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Hoos u dhaadhicinta Maamulka, Wax ka qabashada Abaaraha soo noqnoqdey, Horumarinta Reer Miyiga, Furitaanka Iskuuulo iyo Xarumo Caafimaad, Nabad kuwada noolaannsha dadka Deriska ah iyo Ilaalinta Diinta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com