Maamulka Somaliland oo hal arrin ka codsaday madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn uga hor yimid heshiiskii Berbera ee Imaaraadka Somaliland dhex maray isagoo dacwad u gudbiyey dowladda Sacuudi Carabiya markii uu booqasho iyo kulan la qaatay boqorka Sacuudig.

Haddaba Maamulka Soomaaliland ayaa dowlada Cusub ee Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra;isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxay ka dalbadeen inay fara galinta ka daayaan arinta heshiiska Berbera.

Maxamuud Xaashi oo ah Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Somaliland ayaa ka dhawajiyey inay Somaliland ka codsaneyso dowladda Soomaaliya inay si rasmi ah faragelinta uga dhaafto heshiiska Berbero iyo Saldhigga Imaaraadka.

Wuxuu ka dhawajiyey inay wada hadal la geli doonaan dowladda Soomaaliya  marka ay ka baxaan ololaha iyo diyaar garowga doorashada Somaliland loogu jiro isagoo sheegay inaan hadda loo baahneyn in faragelin lagu sameeyo  arrimaha ku saabsan heshiiskaas.

Heshiiska Berbera dartiis ayuu u xumaaday xiriirkii ka dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya taasoo keentay inuu dalka isaga baxo Safiirkii Imaaraadka ee Soomaaliya joogay inkastoo ay ka dhawaajisay inuu markii dambe inuu u baxay arirmo isaga gaar u ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com