Axmed Fiqi oo ka carooday muuqaal laga sameeyay Daylaaf, Xuseen Goleey iyo Xuseen Cali Salaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal jawaab ah soo dhigay Bartiisa Facebook kadib markii muuqaal laga sameeyay Ganacsato ay isku heyb yihiin, kuwaasi oo lagu weeraray muuqaalka.

Walow aanan la ogeyn halka lagu diyaariyay muuqaalka haddana Villa Somalia ayuu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan muuqaalo maalmihii ugu dambeeyay laga sameynayay xildhibaanada ka aragti duwan xukuumadda.

Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidan:-

Af-xumo nabadna kaa kaxaysay, colaadna waxba kama tarto.

“Kuwa Soo sameeyey iyo kuwa maalgaliyey video-yadaan akhlaaq xumadu ka muuqato ee lagu jaa’ifaynayo isla markaana lagu bartimaameedsanayo xildhibaannada kooxda Villa Somalia ka aragtida duwan iyo kuwa ganacsatada waaweyn ee dalka qaarkood lagu magac-dilayo waxey reebi doonaan dhaqan-xumo siyaasadda dalka muddo ku sii jiri doonta”

“Dadku waa ay dareemi karaan mashruucaan gurracan ujeedada ka danbeysa balse waxaa nasiib wanaag ah in la fahmi karo dulucdiisa waxa uu xambaarsan yahay oo u badan naceyb iyo cuqdad oo ah laba cudur oo qofkii ay ku dhacaan ay adag tahay In laga daweeyo”

“Waxaa intaas ka sii daran haddii lacagta lagu maalgalinayo akhlaaq xumadaas ay noqoto tii dadka ka dhaxeysay ama magaca umadda lagu Soo qaaday”

“Waxaan raalli-gelin u diraynaa Xildhibaanada iyo ganacsatada sharafta ee sharaftooda iyo karaamadooda meesha looga dhacay, kuwaasoo waxa ay Soo qabteen dadka yaqaana ay qirsan yihiin”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com