Axmed Jaceelow oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray, Axmed Xasan Jaceelow, waxaana soo weeraray koox burcad Afrikaan ah, sida ay xaqiijiyeemn qaar ka mid ah Soomaalida.

Kooxda burcadda ah ayaa la sheegay inay marxuumka ku dhex-dileen goobtiisa ganacsi oo ku taalla magaalada Port-Elizabeth, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Mid ka mid muwaadiiniinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in meydka ay mar dambe iyagu goobta ka qaadeen, waxaana sidoo kale goobta gaaray ciidan ka tirsan kuwa Booliiska.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, inkastoo aan gacanta lagu soo dhigin raggii ka dambeeyey.

Koonfur Afrika waxaa muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida oo dil, dhaawac iyo boob kala kulmo koox burcad Afrikaan ah.