Imaaraadka Carabta iyo Israel ‘oo dhisaya’ isbaheysi ka dhan ah dal Islaami ah

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Israel ay dhisi doonaan isbaheysi ka dhan ah Iran, si ay u ilaaliyaan Bariga Dhexe iyo dhulka Mareykanka.

“Imaaraadka Carabta iyo Israel labaduba waxay garowsan yihiin in Iran ay tahay halistooda ugu weyn, sidaas darteed waxay iminka heleen hab ay ku aas-aastaan xiriir cusub, taasi oo hadda laga abuuri karo isbaheysi ugu dambeyn xaqiijiya in halistan aysan marnaba soo gaarin xeebaha Mareykanka ama aysan cidna ku dhaawacin Bariga Dhexe,” ayuu Pompeo u sheegay Fox News.

Pompeo ayaa ku qeexay dhageysiga wada-hadalladii dhex maray ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump “daqiiqad taariikhi ah”.

13-kii August madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis nabadeed oo dhex maray Israel iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo ay fududeysay Washington.

Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu joojinayo goosashada Tel Aviv ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, hase yeeshe dadka dhaliila heshiiska ayaa rumeysan in xiriir dhex mara labada dhinac laga soo shaqeynayo muddo sanado ah

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sidoo kale kadib heshiiska sheegay in goosashada Israel ee Daanta Galbeed aysan weli meesha ka bixin balse dib un loo dhigay.