Saciid Deni: Xaaladda Xamar laguma eedeyn karo Farmaajo kaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo maanta hadal ka jeediyey xaflad qado sharaf ah oo siyaasiyiinta beelaha Hawiye ay u sameeyeen madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Ugu horeyn Deni ayaa sheegay in gogoshii shirkii Dhuusamareeb ay iyagu bilaabeen, balse aan la dhihi karin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ma tegin, isagoo eeda fashilkii ku yimid u tiiriyey madaxda federaalka.

Deni ayaa ka mahadcelinta martiqaadkaas kadib waxa uu qiray in reer Muqdisho ay samir badan muujiyeen, isagoo beelaha dega u soo jeediyey talooyin dhowr ah.

“Xamar sida ay maanta u egtahay si lagu raali ahaan karo maaha, amaan ma jiro, nadaafad ma jirto, meel kasta waa la dhistay, balse hadda dowladdu intii ay joogtay waa ka muuqdaa deganaashaha iyo samirka aad sheegteen,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Xamar sida ay u ekaaneyso maanta Farmaajo kaliya laguma eedeyn karo, waxaa la rabaa in Xamar wixii ka qaldan laga saxo, sababtoo ah waa halkii laga bilaabayey dib u dhiska dalka oo dhan, waxna waa sharciga iyo maqaamkeeda, waxna waa muuqaalkeeda, dhamaanteen waan jecelnahay Xamar ee aan hagaajisano.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dalku uu hadda marayo xaalad adag, isla markaana loo baahanyahay in awooda la isugu geeyo sidii dalka ay doorasho uga dhici laheyd.

“Hadhow yaan la cabaadin dowladda soo socota waxay qaban laheyd waa in hadda la isla garto,  oo sanadka ugu dambeeya aan la cabaadin sababtoo ah waqtigu markii uu gaba-gabo noqdo ayaan dhahnaa see-isu dooraneynaa” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Saciid Deni ayaa ku baaqay in aad loo badiyo gogosha noocan ah, “Waayahaan dambe Soomaalida waxaa la yiri siyaasadda habeenkii ayey ka shaqeysaa hadda waxaan rabnaa siyaasadda maalinki inaan ka shaqeyno. Sababtoo ah horaa loo yiri xalaal dharaarbaa la qashaa, bahashaan mugdiga ah horta naga dhaafa” ayuu yiri Saciid Cabdullahi Deni.

Hoos ka Daawo