Goodax Barre oo sharaxaad yaab leh ka bixiyey sababta fashilka ardayda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shalay shaacisay natiijada imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka, waxaana hadal heyn iyo shaki weyn dhaliyey in 8,550 oo arday oo imtixaanka ku dhacday 90% ay noqdeen ardaydii imtixaanka ku gashay gobolka Banaadir.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay jiraan sababo u gaar ah arday imtixaanaadka ku dhacday ee gobolka Banaadir.

“Cillado u gaar ah ayaa jirta waxbarashada gobolka Banaadir saameyn weyna ku yeelatay, wasaaraduna aad ayey ugu mashquulsantahay in ciladahaas la saxo, waa caasimaddii oo ardayda imtixaanka gashay in ka badan 50% waxay ka yimaadaan Banaadir kaliya, waxaana aad ugu badan Iskuullada ganacsiga oo ardayda bootinaaya, mararka qaar waxaad arkeysaa ardaygii oo waxba baran inta lasoo bootiyey iyadoo fasalka u dambeeya la keenay,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Waxa uu sheegay in arintaas ay hadda tallaabo ka qaadeen dhamaan ardayda dalkana ay system geliyeen, dugsi hoose illaa dugsi sare, “Marka arday hadda kadib boodi karaa ka miro, taasina waxay sixi doontaa in ardaygu uu waqtigiisa soo qaato, laakiin cilad jirtay oo aan ugu nimid oo la saxaayo ayey aheyd,” ayuu yiri.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in ciladaas ay u gaartahay gobolka Banaadir oo tahay xirfad ay la yimaadeen dad ka ganacsada waxbarashada.

“Waxaad arkeysaa Schoolo aan xirnay sanadkan oo fasalka 4-aad kaliya ah, marka waxaan dhacaaya oo aad arkeysaan waa dadkii dariishada kasoo galay, laakiin aan hadda kadib imaan doonin, sababtoo ah system weyn ayaan sameynay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Dad badan ayaa su’aal geliyay qaabkii loo saxay imtixaanka dugsiga sare, hasa yeeshee Wasiir Goodax ayaa sheegay in sixitaanka imtixaanka ay aad uga baaraadegeen.

“In imtixaanka ay ardayda ka dhacaan waa in ay aysan ku guuleysanin. Sida loo saxo imtixaanka halkii maado ee qofkiiba waxaa saxa saddex qof, ka dibna waxaa uga sii dambeeya, qofka kale oo eegaya sidii wax loo saxay ka dibna kormeeraya, waxaana sidoo kale jira dad kale oo isku daraya dhibcaha ardayga uu helo iyo hubintooda, waxaana isleenahay sidii ugu quruxda badneyd ayaa loo saxay” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso