Sanbalooshe: Ma majaajiliste siyaasaded baa mise siyaasi?

Dunida waayahan waxaa la yiraahdaa waa qarnigii ay ugu badnaayeen majaajiliistayaasha (comedians) noqda siyaasiyiin Qaran. Waxaana tusaale ah dalal badan oo ay majaajiliistayaashoodu ku guuleysteen doorashooyinka. Tusaale ahaan dalka Guatemala markii uu musuq hareeyay, ayuu majaajiliiste Jimmy Morales ka-guuleystay Otto Perez Molina. Talyaaniga, majaajiliste Beppe Grillo, oo asaasay xisibga MoVimento 5 Stelle (M5S) labo jeer ayay xukuumadda ka qeyb noqdeen. Madaxweynaha Ukraine majaajiliiste Volodymyr Zelensky si la yaab leh ayuu ku guuleystay. Majaajiliiste Marjan Sarec wuxuu ka noqday Ra’iisul Wasaare dalka Slovenia. Majaajiliiste Jon Gnarr dalka Island, wuxuu Gudoomiye Gobol (Governor) ka noqday caasimadda dalkaa. Xattaa dalka Jarmalka oo siyaaddu ka tahay “serious-business” sida Jabaanka, ayaa majaajiliiste Boehmermann isku soo taagay hoggaanka xisbiga SPD.

Majaajiliistayaasha-siyaasadeed waxay soo baxaan marka dadku fatiig ku noqdaan xaalad-darran oo dalkoodu galay, markaana loo baahan yahay isbedel degdeg ah. Fursaddaas ayay isku dayaan in xaaladdaas cakkiran ay qosol dadka ku kasbadaan, markaana hadalo-adag oo aan la sheegi karin, u yiraahdaan si qosol leh. Su’aashu waxay tahay majaajilnimadaa-siyaasadeed meel fog ma gaarsiisaa?

Khubarada falanqeeya siyaasadda ee London School of Economics and Political Science waxay isbarbardhigeen majaajiliisteyaasha-siyaasadeed kor kuxusan iyo waxa u qabsoomay guusha kadib. Tusaale ahaan xisbiga M5S ee Grillo labo jeer ayuu dowladnimada galay waana ku fashilmeen. Grillo waxaa laga tuuray Janaayo-2018, meesha Di Maio oo ka danbeeyay isagana culeys lagu saaray inuu xisbiga kadego Janaayo-2020, xisbigiina hoos ayuu u dhacay. Jimmy Morales ee Guatemala wuxuu garan waayay meel uu dowladnimada dalka geeyo markii caqabadihii is dul-fuuleen oo mudaaharaadyadiina ku bateen.

Petro Poroshenko ayaa ku dhaliila Madaxweynaha Ukraine in uusan garaneyn siduu carqaladaha amni iyo dhaqaale dalkooda uga saari karo, Mr. Putin uusan aheyn majaajiliiste-qosla, balse muufo lagu cunay maraq ka dhigan karo Zelensky Ukraine. Ra’iisul Wasaaraha Marjan Sarec markuu wareeray ayuu isaga baxay xisbiyadii uu dowladda kula jiray, Gnarr dalka Island waa isaga haray siyaasaddii. Haddaba, safarka majaajilnimada-siyaasadeed ma dheeraado, xaaladaha adagna waxba kama bedelaan ee xoogaa ayaa lagu nafisaa.

Madaxweyne Trump oo ah ninka uu Sanbalooshe aad u jecel yahay siduu hadda kahor wareysi ku sheegay iyo RW Boris UK laftigoodu qaab majaajilnimo ayay kusoo fuuleen kuraasta, laakin salaaddu waa isku qaban la’ddahay, oo Coronavirus ayaa ka jajabshay majaajilnimadii.

Markaan akhriyay taariikhaha majaajilisyaashaas -siyaasadeed, oo haddana, marar hore iyo shalay 7 Sebteember 2020 aan dhageystay shir ka dhacay hotel Dorbin Muqdisho. Goobtaas oo uu ka hadlay Taliyihii Hore Nabadsugidda Sanbalooshe. Halkaana ka jeediyay majaajilo-siyaasadeed oo ka tarjumaya xaaladda dalku marayo hadda iyo majaajilooyin hore sida Saqiir-Siyaasadeed. Waxan isweydiiyay Sanbalooshe ma siyaasi baa mise waa majaajiliiste-siyaasadeed? Sanbalooshe iskuma heli karo inuu Hawiye kacsho, Soomaalina ka qosliyo, qabaa’ilka kalana kasbado si’ay Hogaamiye ugu doortaan, laakin kuliigood waa u majaajileyn karaa. Marka ama majaajilada ha doorto ama serious-political-business oo ay Soomaali u ooman tahay ha doorto. Reer Mudugu waxay fahansanaayeen majaajilada in lagu ciilbaxo, laakin cawaaqibta danbe aysan guul fiican ka danbeyn markii ay yiraahdeen “Allow hanoo waayin cid na ciiltirta, cadaabtana naga xigsata”.

Nin layiraahdo Corbetta oo fashilka xisbiga S5S Talyaaniga ka faaloonayay ayaa hadda kahor yiri “Protests can be of any color – making proposals is hard, it requires you to make people unhappy”. Majaajilada iyo mucaaradnimada aanan tiirar adag ku fadhiyin waa fudud-yihiin, shacabkana waa looga qoslin ama oohin karaa, laakin maaha wax fudud oo dal burbursan lagu dhisi karo. Bal Madaxweyne Farmaajo dib u dhageyso hadaladiisi hore iyo sida uusan gaariga Soomaaliyeed ee uu darawalka kanoqday uga saari kari la’yahay dhiiqada. Waxaase hubaala Majaajilinimadu in ay fiican tahay keliya qofka marka uu dhargo oo nafis ubaahan yahay sida dalalka ladan, ee Soomaalidu ma waxay ka dharagtay siyaasad-xasilan oo haqabtirtay, dalkana baahi tirtay mise quutul-yowmigii ayaanba meel u saarneyn oo isku eryanayaan?

Luqmaan-Xakiim Xuseen – Waxaad kala xiriiri kartaa luqmaanxakiimxuseen@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid