Daawo: Axmed Madoobe oo beelaha Hawiye u jeediyey talo la xiriirta MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo hadal ka jeediyey xaflad qado sharaf ah oo shalay siyaasiyiinta beelaha Hawiye ay u sameeyeen isaga iyo Saciid Deni ayaa ku taliyey Muqdisho loo raadiyo xal ka duwan kan hadda lagu maamulo.

Waxa uu sheegay in Muqdisho ay ku haboontahay in guddoomiyaheeda lasoo doorto, balse aysan sugin shakhsi madaxweynihii yimaadaba uu dikreeto ku soo magacaabo markuu doonana uu iska bedelo.

“Muqdisho qof warqad ku yimid uma baahnee, waxay u baahantahay qof loo codeeyay oo sanduuq wax loogu riday oo sharciyad ku yimid,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay in dhawaan ay imaanayaan madaxda maqan ee dowlad goboleedyada, isagoo beesha gogoshan u dhigtay ka dalbaday inay gogol tan la mid ah u dhigaan oo u sheegaan wixii ay iyaga u sheegeen.

Mar uu soo hadal qaaday amni xumada Muqdisho ayuu yiri, “Hadii dowladda iyo shacabka ay wada shaqeyaan oo la yiraa gurigaan qof amni darro wadaa ku jira wax weynbaa is-bedelaya, maanta waxaa sharaf ah in aysan jirin xasaasiyad qabiil, wax kastana waxaa asal u ah inaan ilaashano dowladnimada.”

Halkan hoose ka Daawo