Ciidamada Turkiga oo qabtay tahriibayaal Soomaali ah

Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada Ilaalada Xeebaha wadanka Turkiga ayaa soo qabtay tahriibayaal kusii jeeday Yurub oo gaaraya 165 qofood, waxaana la ogaaday iney ku jiraan tobaneeyo Soomaali ah.

Meel ka baxsan xeebta Mediterranean-ka ayey hawlgalkaan ka sameeyeen, wakaaladda wararka Anadolu ayaa sheegtay in dadkaan ay kasoo kala jeedaan wadamada Afgaanistaan iyo Soomaaliya.

Tahriibayaashaan waxey damacsanaayeen iney galaan wadanka Giriiga, warbaahnta madaxa banaan waxey qaarkood sheegayaan in dadkaan ay gaarayaan ku dhawaad 200 qofood, waxaana lagu xiray dagmada Kumluca ee gobolka Antalya.

Sida diiwaansan ku dhawaad 30 kun oo tahriibayaal ah ayaa isku dayay iney u gudbaan Yurub iyagoo maraya wadanka Turkiga, sanadkaan oo ay xaaladda Coronavirus kala xir-xirtay adduunka ayaa diiwaanka lagu sheegay in ka badan 15 Kun oo qofood.

Wadanka Turkiga wuxuu magangalyo siiyay in ka badan 4 Malyan oo Suuriyaan ah, balse wuxuu wacad ku maray inuusan qaxooti kale fursad siin karin, waxeyna ciidamada ilaalada xeebaha dareemayaan xawliga socodka tahriibayaasha.

Sanadkii 2016 ayey aheyd markii midowga yurub iyo Turkey ay ku heshiiyeen in la hakiyo xawaaraha tahriibayaasha ku socda Yurub ee soo maraya wadankooda, balse ma noqon heshiis dhaqan gala.