Daawo: Sanbaloolshe oo shaaciyey beesha uu la rabo ra’iisul wasaaraha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda Nabad sugidda Cabdullahi Sanbaloolshe oo hadal ka jeediyey xaflad qado sharaf ah oo siyaasiyiinta beelaha Hawiye ay Muqdisho ugu sameeyeen madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa beel weynta Hiraab ka dalbaday inay iska dhaafaan raadinta jagada Ra’iisul wasaaraha, una daayaan beesha Hiiraan.

“War ra’iisul wasaarahaan waa caraf-beelay, niman Hiraab la yiraahow, dalkaan calooshiinow ku jiraa, iska dhaafa ra’iisul wasaaraha,  doorasho aan ka hadalno iyadaa loo baahanyehee, ra’iisul wasaarahan soo socdana lama rabo inuu talada dalka qeyb ka noqdo, hadhowna mar-marsiiyo kale iyo waqti dheeraad ah isiiya iyo xujow noola imaanayaa ee hadda aan iska dhaafno” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Waxa uu soo jeediyay in Hiraab iska dhaafo raiisul wasaaraha ee la siiyo reer Hiiraan, isla markaana Hiraabka kale looga baahanyahay inay madaxweyne u tartamaan

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Ra’iisul wasaaraha Hiraabow iska dhaafa reer Hiiraan ayaa la siinaa, adinkoo Hiraabana ku tartama madaxtooyada, waxaana soo jeedinaa si nabad loo helo Jaaljecel hala siiyo ra’iisul wasaaraha, Farmaajo intaas haloo sheego.”

Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland kula dardaarmay in markii doorashada laga hadlaayo ay doodooda ka bilaabaan goorma ayaa la qabanayaa doorashada, maadaama uu waqtigu yahay midka u muhiimsan.

“Markii laga hadli doono doorashada see loo qabanaa haka bilaabinina ee ka bilaaba goormaa la qabanaa, sababtoo ah waqtiga ayaa ana noo muhiimsan, nooma muhiimsana sida loo qabanaayo, sababtoo ah waqtigaa go’aaminaaya sida loo qabanaayo” ayuu yiri.

Halkan ka Daawo