Axmed Karaash oo tallaabo culus qaaday maanta kadib…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa soo saaray wareegtadiisii ugu horreysay tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu Saciid Deni usoo wareegay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay ololihiisa doorashada ee madaxweynaha Soomaaliya.

Axmed Karaash, ayaa guddoomiyaha gobolka Mudug waxa uu u Magacaabay Faysal Sheekh Cali Maxamed, magacaabistaan ayaa noqonaysa midii ugu horreysay ee uu sameeyo madaxweyne ku-xigeenka tan iyo markii Deni uu ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax madaxweyne.

Faysal ayaa beddali doono guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ku biiray baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Madaxweyn ku xigeenka ayaa horey u shaaciyey inuu la wareegay hoggaanka Puntland, si looga fogaado firaaq ku yimaada howlaha maamulka iyo horumarka Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:-

Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay:- Baahida Shaqo ee Jirta.

Markuu tix geliyey:- Aqoontiisa iyo Waayo-Aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu u Magacaabay:- Faysal Sheekh Cali Maxamed Guddoomiyaha gobolka Mudug.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuuna saxiixay.