Axmed Madobe oo abaabulaya shir ka dhan ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubba uu ka furmo shir lagu heshiinayo beelaha wada dega Gobolada uu ka arimiyo Maamulka Axmed Madoobe.

Shirkaani ayaa waxaa ka qeybqaadan doona siyaasiyiin iyo waxgarad reer Jubbaland ah, waxaana la filayaa in shirkaasi uu xoogiisu noqon doono mid leysku cafiyo, islamarkaana lagu wada shaqeeyo.

Kaliil oo kamid ah Siyaasiyiinta shirka lagu balamiyay ayaa sheegay in shirkaasi uusan kasoo qeybgali doonin waxa uuna tilmaamay inay ku adag tahay inuu horfadhiisto Axmed Madoobe iyo Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Waxa uu sheegay in dadka shirkaasi ka qeybgali doono ay kamid noqon doonaan Odayaal uu afduubtay Axmed Madoobe, hayeeshee shirka uusan aheyn mid ka turjumayo in lawada heshiiyay.

Kaliil waxa uu carab dhabay in shaqsi ahaantiisa uu yahay mid ku ad adag qadiyada Qaranka Somalia, Axmed Madoobe iyo saaxiibadiisuna ay doonayaan inay ka awood badiyaan Dowlada, balse taasi aysan socon doonin.

Dhanka kale, Kaliil ayaa wacad ku maray in Gobolka Gedo uusan ka shaqeyn doonin maamul ay isla yagleelen Axmed Madoobe iyo Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com