QAABKA DOORASHADA SOOMAALIYA EE 2016

HABKA ASXAABTA, XUBNAHA AY KU YIMAADAN 4.5

QAAB SOO XULIDA XUBNAHA BARLAMAANKA

Ø Xubnaha baarlamaanka 275 ee hadda jiro waa in xildhibaan weliba soo qoraa maamul goboleedka, gobolka degmada uu ka soo jeedo si kursi weliba ee xildhibaan loo caddeyo deegaanka iyo heybta uu kasoo jeedo si uusan musharax ugu imaan mid heyb iyo deegaan kale ka soo jeedo

Ø Waa in xisbi welibo uu soo magacaabo musharaxiintiisa u tartami laheed 275 kursi ee xildhibaanimo

Ø Musharax weliba waana inuu ahaadaa mid degaan iyo heyb la ah xildhibaanka hadda kursiga ku fadhiya si aysan u lumin saamigii axdi qarameedka uu ku yimid

Ø Waa inay xidhibaanada hadda jira ay iska soo dhex sharxaan asxaabta siyaasadeed haddii ay doonayaan inay dib ugu soo laabtaan kursigooda xildhibaanimo.

QAABKA DOORASHADA

Ø Waa in diwaangelin lagu sameeyaa tirada codbiyaasha inay codeeyso dooneyso una usaamaxeyso, kuna nool gudaha iyo dibada

Ø Waa inuu codbixyaha deegaan iyo heyb ahaanba uu kasoo jeedo kuraasata uu ucodeeynayo

Ø Waa in guddiga doorashooyinka, wasaarada arimaha gudaha iyo maamulada jira ay ku diwaan geliyaan bara cayiman oo amaan ah inta ay usaaamaxeyso inay is diwaangeliyaan codkoodana dhiibta hadhow

Ø Waa in si wadajir ah guddiga doorashooyinka iyo wasaarada arimaha dibada ay ku diwaangeliyaan bara cayiman dhaamaan qurba joogta soomaaliyeed ee ku nool dalka dibediisa una diyaar ah inay codkooda dhiibtaan

Ø Waa ina loo soo bandhigaa warbaahinta tirada guud dadweyn ee is diwaangelisay ee u diyaarka u ah inay u codeyaan 275 kuras ee xildhibaanimo, degaan weliba inta iska diwaan gelisyay , iyo inta kursi weliba ee xildhibaanimo isku diwaangelisay inay u codeyaan

Ø Waa in isdiwaan gelinta lagu soo afjaraa muddo bil ah guda heeda, laguna soo bandhiga tirade guud iyo faah faahinteeda

Ø Waa in asxaabta iyo xubnahooda musharaxiinta ah la siiyaa mudda bil ah oo ay ku soo koobaan ololahooda siyaasadeed loona furaa dood.

Ø Waa in xubnaha isdwangeliya lagu xareeyo bara caymin oo amaan maalmo ka hor inta aan codbixinta la qaaban (waa goobaha amniga loo baqayo)

Ø Waa cod bixin hal malin oo caymin la wada qabtaa laguna soo bandhigaa

Ø Xisbigii cod aqlabiyad leh ku guuleysto ayaa usoo dhisaayo dowlada sidii u hore ugu soo bandhigay

Ø Haddii la waayo waa in dowlada wadaag la sameyaa haddii kale dib doorasho logu nodaa mar kale

AXSAABTA

Ø Baarlamaanka iyo xukuumadda soomaaliyeed waa in ay meel mariyaan sharciga asxaabta siyaaasadeed

Ø Waa in xisbi weliba ay ka dhex muuqdaan shacabka soomaali shanteeda qeybood, usan noqon mid qabiil gaar u leh

Ø Waa in xisbi weliba isdiwaangeliyaa isagoo buuxinaaya sharuudaha sharciga isdiwangelinta

Ø Waa in xisbi weliba uu soo bandhiga Siyaasadiisa hogaamineed ee dalka sida: Arimaha gudaha iyo dibada, amniga, waxbarashda, cafimaadka iyo hormarinta

Ø Waa in xisbi waliba usoo bandhiga magacyada xubanahiisa utaagan dhanka siyaasada min reer madaxweyne ilaa iyo heer wasiir ku xigeeno si ay umadda u aragto cidda hogaaminyso ee iyo xilalka ay qabaanayaan

GUDDIGA DOORASHOOYINKA

Ø Waa in maamulada iyo asxaabta mid weliba kusoo darsadaan tiro xubno ugu qeyb noqdo guddiga doorashooyinka ee hadda jira si aysan u imaan is aamin la’aan,

Ø sidoo kale waa inay beesha caalamkana ku lehaadaan xubno kor kala socda qaabka doorashooyinka iyo isdiwaangelinta

Ø Waa in si wadajir ah ay u wada shaqeyaan goob weliba oo ay diwaangelinta, coddeynta iyo tirinteeda ay wada joogaan

Ø Waa iney sameystaan nidaamka iyo xeer hoosaadka ay ku wada shaqeyn la haayeen

Ø waa in musharax weliba usoo raaciyaa cv-gisa caddeyn sharciyeysan ee tirakoobka hantidiisa

W/Q: Dr Maqafaay
E-mail: acm77@live.com