Sawirro: Suxufiyiin dibadbax ka dhigay Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Suxufiyiinta ka howlgasha Magaalada Garowe, ayaa maanta banaanbax xoogan ka hordhigay afafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Puntland.

Suxufiyiintaani ayaa dalbanaayay in lasii daayo Wariye Jaamac Deperani oo ku dhawaad Seddex maalin u xiran Ciidamada amaanka Puntland kaasi oo aan la garaneynin sababta uu ilaa iyo hadda u xiran yahay.

Suxufiyiinta ayaa waxaa Banaanbaxaasi ku wehlinaayay Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka suxufiyiinta Puntland kuwaasi oo ku qeyla dhaaminaayay erayo lidi ku ah maamulka C/weli Gaas oo lagu tilmaamo inuu yahay mid diktaatoori ah, marka loo eego maamuladii kale ee Puntland soo maray.

Suxufiyiinta ayaa qalqal galiyay Ciidamada amaanka Xarunta Baarlamaanka Puntland oo durbadiiba galay difaac adag kuwaasi oo ka cabsi qabay is uruursiga Suxufiyiinta.

Suxufiyiinta ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Xariga Sharcidarada ah ee Wariye Jaamac loo geystay, iyadoo aanan wax maxkamad ah la soo taagin.
1

2

3

4

5

6

7

8

9