Xildhibaan kashifay arrin uu xuduudda Kenya ku soo arkay oo waftigii DF Soomaaliya ay qariyeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah mudanayaasha BFS ee dhawaan gaaray xadka kala qeybiya Somalia iyo Kenya ayaa si qoto dheer uga hadlay waxyaabaha ay halkaasi kusoo arkeen.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu mahad gaar ah u jeedinaayo Mas’uuliyiinta iyo shacabka ku nool degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo waxa uuna sheegay inay buuxiyeen booska ay ka maqan tahay Dowlada.

Waxa uu sheegay in wax waliba oo ay Kenya ka sameyso xadka ay iyaga ka danqadaan sidaana kusoo wargaliyaan Dowlada, taasina ay soo dadajiso in Dowladu ay talaabo qaado.

Nuur Faarax Jaamac waxa uu sheegay in dowlada Kenya ay yaseyso Dowlada Somalia, waxa uuna cadeeyay ineysan jirin ahmiyad gaar ah oo ay siisay xiisada ka dhalatay wararka sheegaya inay kusoo xadgudubtay xadka Somalia.

Xildhibaanka waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray inaan lasiibin calaamadihii uu gumeystaha ka taagay xadka labada dal kala qeybiya, balse waxa uu tilmaamay inay suuragal tahay in Kenya ay waxyar soo duruqday.

‘’Waa sax Kenya wey wadaa dhaqdhaqaaqa ay ku hamineyso kusoo durqida xadka Somalia, mida kale waxa ay wakhtiga ku lumisay yasitaan iyo arrimo aan loo baahneyn’’

Xildhibaanka waxa uu ka digay in DFS ay ka gaabiso la socodka dhaqdhaqaaqyada Kenya ay kawado xadka Somalia, waxa uuna sheegay in kenya ay hamineyso inay waxbadan kusoo duruqdo Somalia.

Dhanka kale, waxa uu ku baaqay in mar waliba shacabka Soomaaliyeed ay ka warqabaab xaalada dalkooda iyo dhaqdhaqaaqyada ka socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com