YAAB: Wasiir ka tirsan DFS oo u hiiliyey KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa beenisay in Dowlada Kenya ay xadgudub ku heyso Somalia, waxa ayna sheegtay inaan loo dulqaadan doonin xanafta la gaarsiinaayo Kenya.

Khaalid Cumar Cali oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa sheegay in DFS ay aamineyso natiijadii kasoo baxday socdaalka Wasiirada iyo Xildhibaanada booqday xadka Somalia.

Khaalid waxa uu sheegay in DFS aysan diyaar u aheyn inay colaad dhexmarto Somalia iyo Dowladaha dariska la ah, waxa uuna meesha ka saaray in Kenya ay kusoo xadgudubtay dhulka Somalia.

Wafdigii ka socday DFS ee gaaray xadka Somalia iyo Kenya ayaa sheegay inuusan jirin xadgudub buuran oo ay Kenya geysatay balse ay jirto masaafo yar oo ay kusoo durugtay Somalia.

DFS ayaa ka gaabineyso kaalinta kaga aadaneyd xaqiijinta xuduudaha iyo badda Somalia, taasi oo muujineyso inay cabsi ka qabto in xiriirka diblumaasiyadeed loo jaro.

Sidoo kale, Wasiir diini ayaa sheegay in Kenya ay god ka qoday meel u dhow caalamadda xuduudda oo xigta dhinaca Kenya, islamarkaana ay suuragal tahay inay horay usoo duruqdo waa haddii aan la sameyn ka hortag.

Dhanka kale, Xildhibaanada BFS ayaa ku doodaya in Kenya ay kusoo xadgudubtay Somalia, balse ay DFS ka gaabineyso ka hadalka arrintaasi iyada oo qiil u sameysay xadgudubkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com