XOG: Askarta Ethiopia oo dilay askar Kenyan ah

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Kenya ayaa toogasho ku dilay seddex kamid ah ciidamada booliska dalka Kenya, kadib weerar ka dhacay deegaanka Sololo oo ka tirsan degmada Marsabit ee dalka Kenya.

Weerarka ayaa ciidamada dowlada Ethiopia waxaa la sheegay iney ku baadi goobayeen kooxo hubeysan oo sarkaal Ethiopian ah ku dilay xuduuda labada dal, sida laga soo xigtay saraakiil u hadashay dowlada Ethiopia.

Askarta dowlada Ethiopia ayaa isku hareereeyay xaafada oo ay muddo gacanta ku hayeen, iyaga oo halkaasi ka baadi goobaya koox ka tirsaneyd jabhada xorenta Oromada ee loosoo gaabiyo OLF.

Shan  kale oo kamid ah ciidamada booliska dowlada Kenya ayaa lagu waayay weerarka ka dhacay deegaanka Sololo, iyadoo wali la baadi goobayo.

“Saraakiisha waxay ahaayeen kuwo la socday gaadiidka booliska markii weerarka dhacayay, seddex askari oo Kenyan ah wey dhinteen shan kale ayaa la weysan yahay”sidaasi ayaa laga soo xigtay saraakiil Kenyan ah.

Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa waxa ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya, waxaana marar badan xiisad ay ku dhexmartay dhanka xuduuda labada dal ay wadaagaan.

Dhinaca kale ciidamada dowlada Kenya oo badan ayaa loosoo daabulay deegaanka uu falka ka dhacay kuwaasi oo aad u hubeysan, sida saraakiisha dowlada Kenya ay shaaciyeen.

Ciidamada ayaa ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka waaweyn ee taangiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com