Hiigsigii bur-buray iyo hadimooyinka qarsoon!!!

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaranjabka iyo bur-burka dowladnimo ee Soomaaliya ayaa jirsadey rubuc qarni (25 sano), inkasta oo burburka intaas ka horeeyey ee waxaa la dhihi karaa xiligaas waxay ahayd markii dabku si rasmi ah u bakhtiyey. Muddo 10 sano ah ayaa dalku ahaa mid ku jira jaahwareer aysan jirin meel loo raaco, halka 12 sano oo kale uu ahaa mid iska leh Dowladdo kumeel-gaar ah oo aan caalamku ula dhaqmi karin sida dowlad metasha dadkeeda, muddo saddex sano ah dalku waxa uu haystey Dowlad lagu sheegay mid rasmi ah oo aan kumeel-gar ahayn, taas oo ku dhisan taageerada dalal shisheeye iyo hay’adda Qaramada Midoobey!, Dowladda Xasan Shiikh Maxamuud oo aan aheyn mid KMG-ah ayaa looga fadhiyey saddex shaqo in ay ku fuliso muddo 4 sano ah gudaheed.

1-Dalka oo la xasiliyo

2-Dhismaha maamul goboleedyada

3-Doorasho hal qof hal cod ah in ay dalka ka dhacdo

Sida ay qodobadan u kala horeeyaan, ayaa ah kuwo isku-xiran, waxaana la dhihi karaa Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud waa ku fashilantey in ay ka soo baxdo wixii laga sugayey, taas ayaana keentey in giraanta ay ku soo celiyaan halkii ay ka bilaamatey, dalkana ka dhigaan ratigii indhaha laga xiray oo sisinta ka soo saarayey Saliidda Macsarada.

Maalmihii u danbeeyey waxaa warbaahinta hareeyey shirar ka dhacayey gobolada dalka Soomaaliya shirarkaas oo la isku weydiinayo, halka loo weecinayo shukaanta Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2016! Shirarkan ayaa yimid kadib markii Baarlamaanka Federaalka, Madaxweynaha Soomaaliya ay isku raceen in aan la qaban karin doorasho hal qof iyo hal cod ah ama dalka laga hirgeliyo nidaamka Xisbiyada badan.

Hay’adda Qaramada Midoobey oo iyadu gacanta ku haysa siyaasadda dalka ayaa sheegtey in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho, oo lagu fashilmey qodoka kowaad ee ah in dalka la xasiliyo, sidaas darteedna aysan suurto gal ahayn in mudadda xilka loo kordhiyo maamulka hadda jira ee loo baahan yahay albaab kale oo looga baxo xaaladda taagan.

Shirarka looga hadlaayo sida laga yeelayo masiirka Soomaaliya marka la gaaro 2016 ayaa sidoo kale ku soo beegmay kadib shir Golaha Amaanku ka yeeshay Soomaaliya kaas oo magaca looga beddalay hawlgalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey lana keenay UNSOS, magaca cusub ayaa lagu dhawaqey 9 Nofeember 2015, qorshaha uu huwan yahayna aan si dhab ah loo ogeyn.

Shirkii u danbeeyey ee dhexmarey Dowlad goboleedyada, Dowladda Federaalka iyo qolooyinka tageersanaa Dowlada Soomaaliya ayaa la isku afgaran waayey, waxa loogu yeeri jirey Hiigsiga 2016, ugu danbeyntii waxaa la isku raacey in shacabka loo celiyo oo ergooyin ka socda dadka ay metalaan ay ka soo dhibtaan aragtidooda, waxaana ay isku raaceen in dadka la weydiiyo afar qorshe midka ay qaadanayaan qorshayaasha ayaa labo ka mid ah ay ahaayeen wax aan jirin ama suurta gal ahayn.

Baarlamaanka cusub ee 2016 qaabka lagu soo xulaayo ma waxay noqoneysaa?:

1-Nidaamka Xisbiyada badan

2-Nidaamka Dowlad Goboleedyada

3-Nidaabka Degmooyinka Soomaaliya ee jirey ka hor 1991

4-Nidaamka afar iyo bar (4.5) ee lagu soo dhaqmaayey tan iyo sanadkii 2000.

Nidaamka Xisbiyada badan waa kii uu ku dhisnaa Hiigsiga 2016 ee riyo-malmeedka noqdey, wax loogu soo daro meeshana ma oleyn, halka qodobka labaad ee Dowlad Goboleedyadu aanu waxba ka duwaneyn kan hore maadaama dhismahoodu ka horeeyo in ay wax dhalaan ama unkaan, waxa meesha isugu soo haraya waa labada qodob ee danbe.

Ergooyinka ayaa loo qaybiyey 5 qaybood kuwaas oo midkiiba la siiyey 150 ergay, isku darna garaya 750 ergay oo Soomaaliya oo dhan ah marka laga reebo gobolada Waqooyi (Soomaliland).

Maamulka Puntland ayaa wax ka beddalay tirada ergooyinka, Puntland ayaa lagu dhisey 5 gobol iyo degmo, waxaana ay ula muuqatey in aysan caddaalad ahayn in maamulo ka kooban gobol iyo nus ama laba gobol aysan la ergooyin noqon karin oo ay u baahan tahay in ay wada gaaraan dadkeeda oo dhan, sidaas darteedna iskeed ayey uga dhigeen (600) oo ergay iyaga oo ku qabtey shirka wadatashiga ilaa 6 degmo, dhaqaalaha ku baxayna ay iska bixiyeen iyagu.

Nidaanka in degmooyin wax lagu qaybsado oo xildhibaanadu ka soo baxaan degmooyinkii jirey ka hor 1991 waxaa laga taageeray Puntland iyo Jubaland.

Nidaamka afar iyo bar (4.5) waxaa laga tageeray Galmudug, Hiiraan iyo Koonfur Galbeed iyo ergooyina maamulka aan weli dhismin.

Aragtida ergooyinka ayaa dib loogu celinayaa shirka bisha Diseember 2015 ka dhacaya Muqdisho oo lagu go’aaminayo qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada Barlamaanka marka la gaaro 2016.

Nidaamka Degmooyin vs Nidaamka 4.5

Marka la eego aragtida ka soo baxdey ergooyinka la soo xulay, waxay muujineysaa in xaaladdu noqoneyso mid cakiran ama gor-gortan cusub gelaysa. Goobaha laga diidey nidaamka degmooyinka ee weli ku dheggan nidaamkii ay horey ugu sheegi jireen mid dulmi ah ayaa aaminsan in looga tira badanaayo nidaamka degmooyinka, waxaana ay sheegaan in Dowladdii Kacaanku 1969 -1990 aysan si caddaalad ah u qaybin degmooyinka oo beel gaar ah loo badiyey. Xaqiiqada dhabta ah ayaa ah in Maamulka Koonfur Galbeed iyo Beesha shanaad ama 0.5 ay yihiin kuwa sida weyn uga soo horjeeda nidaamka degmooyinka.

Waxaa la sadaalinayaa in shirka Hiigsiga cusub ee Muqdisho ka dhacaya 2016 uu noqonayo mid lagu kala kici doono maadaama ergooyinku kala qaybsameen, oo aysan jirin aragti mideysan oo ka soo baxdey shirarkii wadatashiga, waxaa la isweydiinayaa xaggee ayaa giraanta loo weecin.

ROAD MAP 2

Marka la eego muddada yar ee la haysto, iyo qorshaha qarsoon ee Beesha caalamka ayeysan ka fursaneyn in la helo albaab kale oo laga baxo, waxaana ii soo baxdey markii aan waraystey dad badan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya iyo aragtideyda shakhsiyadeedba in ay u badan tahay in xilka loo kordhiyo Baarlamaanka Federaalka ah, Madaxweynaha iyo weliba Raysalwasaaraha.

Qorshaha muddo kordhinta ayaa noqon doona mid loo sameeyo Road Map cusub, kaas oo kala qeexaya awoodaha, sidoo kale meesha ka saaraya in muran siyaasadeed uu ragaadiyo muddada la doonayo in dalka la gaarsiiyo xasilooni iyo doorashooyin!.

Waxaa la is-weydiinayaa qorshaha xil kordhinta cidda ka hor imaankarta? iyo cidda ay faa’ido u tahay? iyo in lagu gaari karo doorashooyin xor iyo xalaal ah? Maamulka Puntland oo isugu yeera Hooyada federaalka ayey dadka qaarkiis aaminsan yihiin in aysan ka hor imaan doonin qorshahan, marka la eego muddada xilka Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas oo ku eg Diseember 2018, taas oo ay dadka siyaasada Falanqeeya sheegayaan in fursad u siin doonto in Prof.Gaas uu kubiiro Tartanka Doorashada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu danbeyntii nin tashanaya oo isagana loo tashanayo ayaan ku tilmaami karnaa xaaladda Soomaaliya, Badda iyo biyaha Soomaaliya waxaa la wareegay Midowga Yurub iyo qawleysato kale oo oggolaansho ka haysta UN-ka, Hawada Soomaaliya dib looguma soo celin maamulkeeda tan iyo sanadkii 1993, Dhulka Soomaalyana derbiyo ayaa laga jeexdey waxaana maamulkiisa rasmi ah la wareegay dalalka deriska ah oo tageero shisheeye ku helaaya, waxaa la is weydiinayaa qorshaha caalamku ugu talo galey Soomaaliya sanadka 2016, maxmiyad qarsoon ama muuqata miyey gelin kadib dhismaha UNSOS oo la dhihi karo waa qorshihii Soomaaliya si rasmi loogula wareegay.

Soomaaliya haddii aysan waxba ku heshiin karin kalana tegi karin muxuu noqon karaa aayaheedu? waa su’aal aan uga tegay jawaabteeda akhristaha.

W/Q Ismail Haji Said

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com