BF SOOMAALIYA oo diiday hindise sharciyeed muhiim u ah dalka iyo Is-qabqabsiga madaxda.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya “BFS”, ayaa maanta dib u dhigay qorshaha aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka maxkamada dastuuriga dalka oo ah muhiim u ah dalka Soomaaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa diiday in ajandaha barlamaanka lagu daro hindise sharciyeedka maxkamada dastuuriga, waxaana markii dambe laga saaray ajandaha kulanka maanta ay lahaayeen xubnaha baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa intaasi kadib waxay gudo galeen ka doodista warbixin ay soo diyaariyeen gudiga maaliyada dalka oo ay kaga hadlayeen qarashaadka dowlada ee bilaha Janaayo iyo Maarso.

Sababta Golaha Baarlamaanka ay u hakiyeen Hindise Sharciyeedka Dhismaha Maxkamad Dastuuri ah oo Soomaaliya ay yeelato ayey ku sheegeen in Xukumadda Soomaaliya ay Sharcigii hore ee looga hadlayay Dhisme Maxkamad Dastuuri ah ay la laabatay islamarkaana aysan keenin Sharci kale.

Xildhibaanada ayaa doonaya in xukuumada marka hore ay soo celiso hindise sharciyeedkii hore ee maxkamada dastuuriga ama iney keento mid cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com