QARAX culus oo ka dhacay maqaayad ku taalla..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Buulobarde ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhow ka dhacay Qarax culus.

Qaraxa ayaa lasoo warinayaa inuu ka dhacay goob maqaaxi ah, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Maqaaxida uu Qaraxa ka dhacay ayaa ku tiilay isla Degmada, iyadoona Qaraxa kadib ay halkaasi gaaren Ciidamada Dowlada ee ka howlgala degmada.

Qaraxa ayaa waxa uu dhaawac culus kasoo gaaray 5 ruux oo la sheegay inay goobta Qaraxa ku sugnaayen, halka dhimashaduna la sheegay inay gaartay 2 ruux oo shacab ah.

Qaraxa kadib ayaa waxaa Hawada laga saaray isgaarsiintii Magaalada Buulobarde ee Gobolka Hiiraan, waxaana iminka socdo baaritaano xoogan.

Dhanka kale, Qaraxa ka dhacay degmada Buulobarde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay xaalada Degmadaasi tahay mid kacsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com