Wasiir ODOWAA oo ka hadlay xil ka qaadistiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadal heynta isku shaandheynta la filayo in lagu sameeyo golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

C/raxmaan Odowaa oo la hadlayay Somali Chanal TV, ayaa si cad u sheegay in wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin haddii uu waayo xilka wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya, maadaama ay soo baxayaan wararkaasi.

“Niyoow aniga dadka aad u wal-walo ma ihi waxaan aaminsanahay inaan wadankaan shaqo u haayo oon dadaalayo subaxii xilka la iga qaadana, awalna shalay waan shaqeynaayay, berina ma weynaayo shaqo aan qabto marka wal-walkaasi aad uma qabo.” Ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Dhanka kale wasiirka ayaa la weydiiyay waxyaabaha sababay inuu kamid noqdo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo sii weyneysay in looga shakiyo inuu weynayo booska wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya.

“Xildhibaanka waa la ii gartay Xildhibaanka dabcan kursigaas aad sheegtay isku meel ayaan ka soo jeednay, gacan ka xaqdaran ayaa dishay saad ka warhayso, baahida loo qabo in taageero aad ku yeelato, waxbaa soo doortay hada weli ma aynaan gaarin in deegaan la iska soo doorto waa sida aan jeclaan lahaa meeshaan ku dhashay hadaan codka ka soo geli karo, laakiin hada waxaa waaye cidaada ha ku soo magacawdo.” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa la filayaa inuu isku shaandheyn ku sameeyo golahiisa wasiirada, waxaana boosaska weyn doono wasiiro hadda kamid ah xubnaha golaha wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com