KIsmaayo (Caasimada Online) – Warar naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe looga yeeray Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in halkaasi uu ku maqnaan doono muddo kooban, iyadoona ay warar hoose sheegayaan in halkaasi kulamo kadib uu kala soo laaban doono dhaqaale iyo deeqo ay Dowlada Imaaraadka dhowr bil ka hor u ballan qaaday.
Sidoo kale, Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu kala hadli doonaa wadanka uu casuumadda ka helay arrimo ay ka mid yihiin hormarinta Deegaanka oo hada ka hor labada dhinac ay ka wada hadleen.
Dhanka kale, Socdaalka ayaa waxa uu noqonaaya kii ugu horeeyay oo uu madaxwaynaha Jubbaland safar shaqo ugu baxo wadanka Imaaraatka carabta tan iyo xiligii loo doortay in uu noqdo madaxwaynaha maamulka KMG Jubba.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

