“DF Somalia shacabkeena bay mindiyo isugu dhiibeysaa” Sidaa waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online)-C/qaadir C/raxmaan Cabdi oo kamid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Lixda Gobol, ayaa waxa uu Eedeymo kulul u jeediyay Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay Mindiyo isugu dhiibeyso Labada garab ee Madoobe Nuunow iyo shariif Xassan waxa uuna Tilmaamay in Ujeedkeedu yahay inay iska horgeyso dadka dagan Gobolada Baay,Bakool iyo Shabellaha Hoose, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, C/qaadir C/raxmaan Cabdi waxa uu daboolka ka qaaday in DF Somalia ay faragalin adag xiligaani ku heyso Gobolada Koofur Galbeed, waxa uu cadeeyay inay qaadi doonaan Talaabooyin lid ku ah Dowlada, waa haddii ay faraha kala bixi weyso Maamulka, sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “DF waxa ay aqoonsatay Maamul aan aheyn kan Shacabku rabaan taasna waxaa ay Muujineysaa in Dowladda Somalia ay Faragalin ku heyso Arrimaha Maamulka Goboladda Koofur Galbeed, hadii ay naga joojin weyso jawaabo ayay naga heleysaa”

Dhanka kale, Haddalka Mas’uulkaasi ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo maalmahaani uu Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka taagan yahay xiligaan Xaalad Siyaasadeed ,waxaana Magaalada ka jira ilaa Saddex Madaxweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com