31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

AUN Majaajiliste Ilkacase oo la aasay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay majaajiliste Cabdi Maxamed Ilkacase oo labo maalin ka hor ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Aaskiisa waxaa ka qeyb galay fanaaniin, abwaano,majaajiliistayaal iyo wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya, iyadoo lagu aasay qabuuro ku yaala isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Abwaan Maki Xaaji Banaadir, oo kamid ah abwaanada ka qeyb galay aaska Ilkacase ayaa sheegay inuu ku weynaa majaajiliistaha laakiin waqtigiisa uu dhammaaday, isagoo ugu baaqay masuuliyiinta dowlada inay taageeraan caruurta uu ka tagay marxuumka.

Sidoo kale abwaanadii ka qeyb galay aaska marxuumka ayaa sheegay inay dhankooda taageeri doonaan qoyska iyo caruurta uu ka tagay abwaanka.

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa ugu dambeyn sheegay inay gacan qaban doonaan caruurta uu ka tagay majaajilistaha, isagoo sheegay inay si weyn ula socon doonaan.

Cabdi Maxamed Ilkacase, ayaa iska kaga tagay labo wiil iyo gabar iyo hooyadood, wuxuuna jimcihii ku dhintay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News