26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

SAWIRRO: Xildhibaano jawaab kulul ka bixiyey go’aankii guddoomiye Jawaari

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta mar kale kulan ku yeeshay hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho xildhibaanada diidan mowshinka kalsooni kala noqoshada ah ee laga keenay raisul wasaaraha Somalia.

Xildhibaanadan oo la baxay magaca golaha ilaalinta shuruucda iyo heybadda baarlamanka ayaa kulankooda ka dib soo saaray War-saxaafadeed ay ku sheegayaan ineysan marnaba ka tanaasuleynin mowqifkooda ay ku diidan yihiin in mowshinkaas la hor keeno baarlamanka, waxaana War-saxaafadeedka oo sidiisa u qoran uu ku lifaaqan yahay warkan.

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil ayaa markii uu War saxaafadeedka u aqriyey warbaahinta waxaa uu dhinaca kale beeniyey in guddi ka socday xildhibaanadooda ay xalay la kulmeen madaxweynaha isagoo warkaas ku tilmaamay mid la abeen abuuray.

“Xildhibaankii doonaya waa u tegi karaa madaxweynaha oo ah madaxweynihii Qaranka Soomaaliyeed, balse waxaan idin xaqiijinayaa inuusan jirin kulan madaxweynaha ay la qaateen xildhibaanada diidan mowshinka sharci darada ah” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil.

Dhinaca, waxaa uu si kulul uga jawaabay hadalkii shalay ka soo yeeray gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ee ahaa in Isniinta uu fadhi yeelan doono baarlamanka isla markaana la qeybin doono mowshinka, isagoo ku hanjabay in xildhibaankii buuq sameeya laga qaadi doono talaabo adag.

Xildihibaan Cabdi Barre Jibriil ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid ayaan daro ah, isagoo gudoomiye Jawaari ku eedeeyey inuu u hanjabay xildhibaano Qaran.

“Waxaa ayaan daro ah in gudoomiyaha baarlamanka oo ah xildhibaan ka tirsan 275-ka xildhibaan ee baarlamanku ka kooban yahay inuu u hanjabo xildhibaano kale, waxaana ugu baaqeynaa inuu raali gelin ka bixiyo” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Barre Jibriil.

Halkan ka arag bayaanka

Jawaab (3)Jawaab (4)

Jawaab (1)Jawaab (2)Jawaab (5)Jawaab (6)Jawaab (7)Jawaab (8)

- Advertisement -

Read more

Local News