31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Dhageyso: Xildhibaannada taageersan C/WELI oo beeniyey warar soo baxay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ah Afhayeenka ama u qeybsanaha dhanka Warbaahinta xildhibaanada taageersan Ra’iisul wasaaraha ayaa goor dhow la hadlay caasimadda.net, waxaana uu si weyn u beeniyay warar ay qoreen Caasimada Online iyo warbaahin kale.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo ku hadlayay magaca xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Ra’iisulwasaaraha ayaa wax jirin ku tilmaamay wararka sheegaya in xildhibaanadooda ay xalay la kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

“Warkaasi waa midaan sal iyo raad toona laheyn, ma jirto meel aan madaxweynaha kula shirnay xalay, waa dhici kartaa inaan madaxweynaha is aragnay ama qaarkeen soo salaameen, laakiin taas macnaheeda maaha inaan la shirnay “ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil

Mudanahaan wuxuu intaasi ku daray in warkaasi ay faafiyeen xildhibaanada madaxweynaha taageera kuwaasoo ka dawaaqtamayay sida uu sheegay warkii ay shalay soo saareen  dhankooda.

“Madaxweynaha qofkii raba si caadi ah ula kulmi kara waa Madaxweynihii dalka laakiin ma jirto meel aan ku kulanay oo aan kaga wada xaajoonay mooshinka sharci darada ah” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil

Warka mudanahaan uu siiyay shabakada wararka caasimadda.net ayaa imaanaya xili ay saacadihii ugu danbeeyay ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha uu xalay qaabilay xildhibaanada taageersan Ra’iisulwasaaraha ayana ka wada hadleen arimo ku saabsan mooshinka, taasi oo sidoo kale ay qireen xildhibaano kale oo garabka Cabdi Weli ah.

Halkan ka dhageyso Cabdi Barre

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News