Axmed Madoobe: Hiiraale-ha iyo moorganka cusub

Maamulka ka arrimaha Kismaayo ee uu hoggaamiye madaxweyne Axmed Madoobe, balse aan anigu ugu yeero horjooge, sheekadiisu wey soo dhaaftay ‘Alam Tara”, oo hadda waxa uu marayaa meel aan talo iyo toosan midnaba wax  loogu tari karin.

Sida wasiirka qorsheynta maamulkaas ku eg dekedda iyo madaarka Kismaayo uu soo dhigay Twitter-kiisa, waxa uu Axmed Madoobe qaadacay ka soo qeybgalka shirka suluxa ah ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Baaqa madaxweynaha ayaa yimi kaddib markii madaxweyneyaasha maamullada ee aan u aqaan horjoogeyaasha shir maalmo ugu socdaya oo ay ku sheegeen in ay wada shaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe joojiyeen.

Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, yey la shaqeynayaan markaa?

Axmed Madoobe oo la ogyahay sida uu Kismaayo ku yimi iyo sooyaalkiisa ayaa fursad loo siiyey in uu dhiso maamulka Jubbaland oo ka kooban Gedo, Jubadda Dhexe iyo Jubbada Hoose, hase ahaatee, waxa uu muddo shan sano ku dhaw dhaafi la’yahay dekedda Kismaayo iyo madaarkeeda!

Baaqayga dowladda

Waxaan rabaa in aan ku booriyo dowladda dhexe ee Soomaaliya in ficiladda gurracan ee Madoobe soo dhaafay heerkii loogu dulqaadan lahaa, oo haddii madaxda iyo shacabkaba ilaalinayen dadnta guud balse kooxdiisu ka doorbiday fowdo iyo kala dambeyn la’aan, in aan halkaas loo dhaafin!

Dowladda sidoo kale waa in ay qaado tallaabooyin adag oo ay maamulka Jubbaland ee uu curyaamiyey ninka isula baxay madaxweynaha balse leh hab dhaqankii Barre Hiirale iyo Moorgan ka hor leexiyo bulshada jecel dowladnimada iyo in qarankii Soomaaliya dib cagahiisa isugu taago.

Xaqiiqda ayaa ah in Axmed Madoobe, iskaba daa beelaha kale ee dega Jubaland, uusan haysna taageerada beesha uu ka dhashay, uuna mooday inuu Soomaaliya oo dhan maamulo, isaga ooh al xaafad ku siman. Haddii dowladda sharaftay oo ay gaarsiisay maqam uusan gaarin, isna uu ugu abaal-dhacay jees-jees, ma furna xal aan ahayn in meesha laga saaro.

W/Q: Xuseen Yusuf (Xuseen Seylici)
Minneapolis, Minnesota, USA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid