Wasiirada arimaha dibada Jaamacada Carabta oo ka shiraya xaalada Somalia

Qaahira (Caasimadda Online) – Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta ayaa  maanta oo Talaado ah Qaahira ku yeelanaya kulankooda 150-aad ayaa lagu wadaa in ay kaga hadlaan Xaaladda Soomaaliya.
Waxa ay sigaar ah Diiradda ugu saarayaan kulankooda sidii Kaalmo iyo Garab loo siin lahaa Soomaaliya, gaar ahaan Dhinacyada Dib udhista Dalka, Ciidamada, Qabyo tirka Dastuurka iyo Dhaqaalaha.

Qodobadda ugu muhiimsan ee diiradda lagu saari doono Shirka waxaa ka mid ah Siyaasadda,Ammaanka ,Sal dhigidda Dastuurka, Nidaamka Xisbiyada Siyaasadda, Kobaca Dhaqaalaha iyo dib u qaabeynta Ciidamada Soomaalida.

Waxaa sidoo kale lagu waddaa in qaar ka mid ah dalalka Jaamacadda Carabta ay ku dhawaaqaan in ay Cafiyaan deymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu waddaa in uu Shirkaasi ka qeyb galo, islamarkaana uu ka jeedo Khudbadiisa.

kulankaan oo ah mid aan horay loosii shaacin ayay isugu tagi doonaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Xubnaha Shirka lagu marti qaaday waxaa kamid ah Bankiga iyo Sanduuqa Lacagta ee Jaamacadda Carabta si deg deg loogu fuliyo Ballanqaadyada kasoo baxa Fadhiga.

Caasimada Online

Xafiiska Qaahira

Caasimada@live.com