Axmed Madoobe iyo Deni oo helay sidii ay rabeen iyo isbedel ka muuqda Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la filayaa inay toddobaadka soo socda yimaadaan Muqdisho, halkaasi oo ay kula shiri doonaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaa imanaya kadib markii labada madaxweyne ay horey u diideen inay tagaan shirka Dhuusamareeb 3, kadibna ay qaadaceen natiijadii kasoo baxday.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ku guuleysteen qaar ka mid ah dalabyadii ay soo bandhigeen ka hor shirkii Dhuusamareeb, oo ay ka mid aheyd in kulan kasta oo ay la galayaan madaxweyne Farmaajo ay goobjoog ka noqoto beesha caalamka.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in kulanka Muqdisho uu ka dhici doono garoonka Aadan Cadde, oo qeyb ka ah xeendaabka Xalane ee xarunta u ah beesha caalamka. Ma cadda in beesha caalamka goobjoog ka noqon doonto, hase yeeshee in kulanka uu ka dhaco xaruntooda ayaa guul u ah labadan madaxweyne ee xulufada ah.

Kulanka oo ay aad gadaal ugu riixeyso beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, ayaa waxaa sidoo kale uu ka dhigan yahay in heshiisyadii lagu soo gaaray Dhuusamareeb 3 ay yihiin waxba kama jiraan, oo hadda kadib la gaari doono heshiis cusub, taasi oo guul siyaasadeed kale u ah Axmed Madoobe iyo Deni.

Toddobaadyadii tegay ayaa waxaa muuqatay in isbedel weyn u uku yimid madaxweyne Farmaajo oo uu tanaasul badan sameynayey, isaga oo ka tanaasulay doorashadii qof iyo cod, sidoo kalena hadda u muuqda in Axmed Madoobe iyo Deni uu waxyaabo badan uga haray.

Ma cadda in tani ay ugu wacan tahay cadaadiska beesha caalamka iyo in madaxweynaha iskiis u sameeyey biseyl siyaasadeed, hase yeeshee waa tallaabo mudan in lagu amaano inuu xal raadinayo.