Axmed Madoobe iyo DENI oo ka dhoofay Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa ka dhoofay magaalada Muqdisho ayaga oo dib ugu laabtay maamulladooda, kadib kulan ay la yeesheen wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa Muqdisho ka kala qaaday laba diyaarad oo kala duwan, kuwaas oo u duulay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, kadib in ka badan 40 maalmood oo ay ku sugnaayeen caasimadda.

Labada madaxweyne ayaa lagu warramay inay ka carroodeen muddo kordhinta golaha shacabka u sameeyey Farmaajo iyaga oo sidoo kale ka niyad jabay wada hadallada socday.

Goor sii horreysay Deni iyo Axmed Madoobe ayaa Xalane kula kulmay wakiilada Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Safiirada Mareykanka iyo UK ayaga oo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muddo kororsiga loo sameeyay hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale wakiilada beesha caalamka u sheegay inay muddo ku ka badan bil ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho si xal looga gaaro doorashada, balse ay midaasi muuqan, islamarkaana ay ka tagayaan magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka ag dhow labada maamul.

Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ay Wakiilada Beesha Caalamka u jeediyeen in ay go’aan ka qaataan xalada dalka, isla markaana la badbaadiyo dalka.

Waxaa gebi ahaanba soo xirmay albaabkii wada hadalada oo la filayay in dib loogu laabto Teendhada Afisyooni, kaddib markii shalay Golaha Shacabka ay u sameeyeen Farmaajo muddo kordhin labo sano.

Waxaa laga deyrinayaa xaalada siyaasadeed ee dalka oo laga cabsi qabo inay gaarto heer gacan ka hadal ah, kadib markii uu golaha shacabka soo saaray qaraar labo sanno muddo kordhin loogu sameynayo hay’addaha dowladda, midaasi oo ay ka hor-imaadeen mucaaridka iyo qaar kamid ah madax goboleedyada dalka.