AXMED MADOOBE ma ku abaal-dhacay Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed?

Kismaayo (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa si toos ah loo guda galay, musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa ti toos ah u bilaabay ololahooda xukun doonka ah.

Maamulada qaar waxay u diyaarsan yihiin inay 100% kaarkooda saartaan madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Inta la ogyahay Puntland iyo Jubbaland ayaa ka maran gacanta madaxweyne Farmaajo.

Mucaaradka Xamar jooga waxay waqti dheer rajeenayeen in codadka labadaas maamul ee Puntland iyo Jubbaland ay wax fiican ka heli karaan marka la gaaro xilliga doorashada, balse waxaa meel dhexe uga soo baxay Saciid Cabdullaahi Deni oo aaminay inay fursad madaxweyne ku jirto halkaan.

Musharaxnimada Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa rajada codadka musharixiinta mucaaradka ka dhigtay sida Farmaajo oo laga xirtay codadkii Puntland.

Waxaa soo haray Jubbaland, Farmaajo wuxuu 16-kursi geystay magaalada Garbahaarey, dadka uu isagu rabo ayaa heli doona kuraastaas, ma u codeyn doonaan waa dood kale.

Kuraastii Kismaayo ku hartay ayey mucaaradka baadi rajo ka qabeen, laakiin dhawaan Axmed Madoobe oo Muqdisho uga qeybgalay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa la kulmay xubno kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka, wuxuuna toos ugu sheegay inuu dhisayo Saciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Madoobe wuxuu sheegaa inuu Saciid Deni ku leeyahay abaal badan oo siyaasadeed. Axmed oo dib usoo doorashadiisii muran badan la geliyey, loona diiday aqoonsigii dowladda dhexe wuxuu si weyn ugu baahnaa ictiraaf siyaasi ah, maadaama uu ciidan ahaan ku tiirsan yahay dowladda Kenya.

Waxay aheyd 2 Sano ka hor, Axmed wuxuu aqoonsigiisa dul dhigay xafladdii caleema saarkiisa. Saciid Deni wuxuu ahaa dhanka maamul goboleedyada, maamulka qura ee tagay caleema saarkaas, laakiin maamul goboleed miyaa aqoonsi siin kara maamul goboleed kale? Jawaabtu waa maya.

Axmed Madoobe wuxuu markaas u baahnaa madax heer Qaran ah, Labadii madaxweyne ee hore ee Soomaaliya, guddoomiye ku xigeenkii Aqalka sare iyo dhammaan xubnihii mucaaradka ayaa u duubtay in Axmed Madoobe loo sharciyeeyo doorashadiisa.

Qaarkood halis duulimaad ayey la kulmeen, balse ugu dambeyn waa ku guuleysteen in Axmed uu u noolaado, sidii madaxweyne sharci ah, iyadoo dowladda federaalka ay markii dmbe ku qasbanaatay inay aqoonsato Axmed Madoobe.

Madaxdii heer Federaal ee u dagaalantay aqoonsiga Axmed Madoobe, maanta waa laga soo xirtay albaabada Jubbaland, Axmed-na wuxuu leeyahay Saciid Deni oo kaliya ayaa abaal igu leh.

Dood kama taagna inuu Deni siyaasad ahaan u garab istaagay Axmed Madoobe, laakiin kaligiis waxba uma tari karin.

Lama yaqaano waxay maanta dareemayaan xubnihii shalay naftooda halista u geliyey inay Axmed Madoobe difaacaan, si uu xilliga doorashada u garab siiyo, balse maanta irdaha laga soo xirtay.

Axmed Madoobe sida muuqata Saciid Deni oo qura ayuu u abaal gudayaa maanta, waana cashir siyaasi ah oo la diiwaan geli doono.

Waxa qura ee arrintaan laga baran karo waa sida siyaasiyiinta Muqdisho kasoo jeeda ay ugu liitaan akhrinta iyo is waafajinta waxa taagan iyo timaatada. Dagaallada ay mabda’ la’aanta u galaan iyo inay rajooyinkoodii siyaasi ga ah dul dhigeen xubno aysan ballan xoogan kala dhaxey.

Inkastoo aan la aqoon halka ay codka geyn doonaan xubnaha lasoo siin doono kuraasta, haddana waxay dad badan aamisan yihiin in tallaabada Axmed Madoobe ay dhallin doonto in siyaasiyiinta Soomaalida ah ay cashir ahaan u heystaan inta aysan mar walba qaadin tallaabo laab la kac ah.