Guddoomiye cusub oo loo doortay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Rooble oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa maanta doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacdayxerada Teendhada Afisyoone oo taalla xerada Xalane ee magaalada ee Muqdisho.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa isku soo taagay laba musharrax oo kala ah Maxamed Cawil Warsame & musharax Mustaf Macalin Cali, waxaana markii dambe tanaasulay Mustaf.

Kadib xubnaha guddiga ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey musharrax Maxamed Cawil oo helay 21 cod, wuxuuna sidaasi ku noqday guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta.

Maxamed ayaa ku cusub guddiga wuxuuna ka mid yahay xubnihii uu Rooble ku beddalay todobadii xubnood ee uu horay uga saaray Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Sidoo kale musharraxa laga guuleystay ayaa guddiga kasoo galay dhinaca Galmudug, waxaana soo magacaabay Qoor Qoor oo haatan aad ugu dhow Farmaajo

Tani ayaa ka dhigan inuu markale ra’iisul wasaaru hantiyey Guddoonka Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo muhiim u ah doorashada haatan ka socota dalka, waana guddiga kaliya ee go’aanka ka gaarayo kuraasta ay cabashada ka timaado ka hor doorashada ama kadib.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay doorashadan ayaa isla-markiiba u hambalyeeye guddoomiyaha cusub ee la doortay.

“Hambalyo Gudoomiyaha cusub ee guddiga Xalinta Khilafaadka Doorashooyinka Md Maxed Cawil Warsame,” ayuu yiri Al-Cadaala oo ka mid ah xubnaha ku dhow ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Doorashadiisu waa talaabo wanaagsan oo kaalin wayn ku leh ilaalinta Hufnaanta Doorashada,”.

Waa guushii labaad ee uu helay Rooble, kadib markii dhowaan xilka guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban loo doortay Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay dhinaca Puntland, kadib markii ay garab siiyeen Saciid Deni iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan lasii amba qaaday Doorashada Golaha Shacabka oo la filayo in lasoo gabagabeeyo 25 febraayo ee sanadkan 2022-ka.