Axmed Madoobe ma mari doonaa waddadii Shariif Xasan iyo C/Weli Gaas?

Waxaa aad loo hadal hayaa safarka ra’iisul wasaaraha dalka uu ku tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo la saadaalinayo inuu yahay bilowga isbaheysi cusub oo ay yeeshaan Kheyre iyo Axmed Madoobe.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa ka hadlay waxa safarka Xasan Cali Kheyre kaga duwanaan karo safaradii uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Garowe, halkaasi oo uu kula shiray madaxdii xiligaasi ee maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed.

Safarka Kheyre uu ku tagay magaalada Kismaayo ayaa dhanka soo dhaweynta dadweynaha badan kala mid ahaa safaradii uu sanadkii 2018 ku tagay Baydhabo iyo Garowe.

Balse Safarkiisa Kismaayo ayaa ka duwan kuwii uu ku tagay magaalooyinkaasi marka la eego doorashada dhawaan ka dhaceyso magaalada Kismaayo iyo doorashooyinka guud ee dalka ka dhacaya sanadka 2021, oo dhinac walbaa taageero uu doonayo.

Axmed Madoobe ayaa dareemay culees siyaasadeed oo dhanka dowladda ah, iyadoo ay soo dhawaatay waqtiga doorashada Jubbaland, waxaana hadda la sheegayaa inuu xiriir dhow la sameysanayo Kheyre oo la rumeysan inuu door ku yeelan karo soo laabashadiisa.

Waxaa la isweydiinayaa sida Safarka Kheyre uu kaga duwanaan karo kuwii Baydhabo iyo Garowe, maadaama markii uu madaxdii xilgaasi xilka haysay la kulmay kadib ay wajaheen culeesaad badan, kadibna ugu dambeyn laga saaray saaxadda siyaasadda.

Waxaa kaloo la isweydiinayaa in Axmed Madoobe uu ka bixi doono wadadii saaxiibadii C/Welli Gaas iyo Shariif Xasan ay mareen, iyadoo la rumeysan yahay inay balamo la galeen Kheyre, balse aysan dhaqan gelin.

Waxaa muuqata in durba ay bilaabatay olalaha doorashada 2021, iyadoo lakala jiidanayo siyaasiyiinta qaarkood.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid