WADDANI oo eedo xasaasi ah u jeediyey Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in Cadaalado darro lagu xukumay labo muwaadin oo xeer ilaalintu ku riday xukun iyo ganaax lacageed oo aad u badan.
Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in uu saaka xabsiga ku booqday Abwaan Baashe iyo Macalin C/Qaadir, oo sida uu sheegay ku tilmaamay inay ku xidhanyihiin xukun arxan dara oo cadaalad daraa, kaasi oo ku sifeeyay in xukunkaasi ahaa mid cadowtinimo.
Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in uu saaka la kulmay Qoysaskoodi.
Xoghayuhu waxa uu ku baaqay in Sh. Aadan Sune oo kamid ah culumada Somaliland oo in dhoweyd xanuun ujiifey hase ahaate hadana xabsi ku xukuman, loo ogolaado in dhakhaatiirtu ka dabiibto dhaawaca asiibay.
“Qofka muwaadinka ahi marka la xidho waxa uu xaq u leeyahay in sifiican loola dhaqmo oo la daweeyo hadii daawo ubaahdo, waxaan ognahay in Sh.Aadan sune isaguna uu xanuusanyahay isagoo xidhan oo dhakhtarka kujiro, waxaan ku baaqeyna isaguna in uu xaq uleeyahay in la daweeyo oo dhakhtarada la geeyo oo qaliin hadduu ubaahnyahay in lagu sameeyo, arrinta jirta ee ah in jirdil lagu sameeyay uu ka cabanayana muwaadinku wuxuu xaq uleeyahay in baadhitaan lagu sameeyo arrintaasi oo la xaqiijiyo in ay jirto iyo inaaney jirin, hadey jirtana la mariyo waajibka”. ayuu yidhi Xoghaye Khadar.
Geesta kale Xoghaye Khadar ayaa waxa uu dhaliilo ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi kaasi oo uu ku eedeyay in Xukuumadiisu muwaadiniinta ku xidho wax-micno daro ah, kuna xukumaan xukuno cadaalad darro ah.
“Dowladaha dumaya ee baaba’ayana astaamo ayay leeyihiin la daraaseeyay oo la yaqaanno maantana waddankeena si fiican uga muuqda, haddii aan waxaa la joojina ay dawladnimadeenu dumi doonto. Illaahay ayaa Qur’aankiisa inagu leh cadhada iyo xumaha aad cid u qabtaan yaanay idinka kaxaynin caddaaladda laakiin, maanta waxa muuqata in madaxweynuhu cadhaysan yahay, cadhadaas uu cadhaysan yahayna ay ka kaxaysay in uu caddaaladda eego oo dadkiisa u caddaalad sameeyo, dulmigaasna uu yahay mid isaga ku soo noqonaya oo berrito la waydiin doono.” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Xoghaye Khadar.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com