Kulan ay isugu yimadeen ilaa 54 xisbi siyaasaded oo ka dhisan dakalka carabta iyo afrika ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Marrakech ee dalka Morocco.
Mudane Cabdalla Axmed Ibraahim Afwaranle oo ka socday xisbiga Cahdi ayaa ahaa xubintii Soomaaliya uga qeyb gashay kulanka, waxa uu kaga hadlay sida muhiim ay u tahay in si hoose Loola socda habsami u socodka doorashada guud ee Soomaalia 2020 iyo mida maamul goboleedka Jubbalanad, isaga oo halkaasi ku shaaciyey in uu yahay musharax u taagan madaxweynaha Jubbaland.
Waxa kale Cabdalla Musharaxa Jubbaland uu sheegay in uu la kulmay duqa magaalada Pretoria, caasimadda Koonfur afrika oo uu kala hadlay sidii loo joojin lahaa dhibka soomaalida lagu hayo,
Ugu dambeyntii shirka waxaa la isku raacay in la cambaaeeeyo kifsigii iyo dilkii loo geystay Caasha oo ku nooleyd magaalada Gaalkacyo.