Axmed Madoobe oo amar yaab badan oo la xiriira DF siiyey W/Maaliyadda !!

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in aysan jirin Lacag ay dowladda Federaalka ah siiyay dowlad Goboleedyada oo ay xisaab celin kaga rabi karto, isaga oo amray wasiirkiisa maaliyadda inuu jawaab arrintaas la xiriirta dowladda u mariyo baraha bulshada.

Waxaa uu Axmed Madoobe sheegay in warqadda ay dowladda u dirtay dowlad Goboleedyada ee xisaab celinta uu ka arkay baraha bulshada,iyagana ay dowladda ugu diri doonaan baraha bulshada sida uu yiri.

Waxaa uu Axmed Madoobe xusay in Dowladda Federaalka ah ay $50Milyan oo doollar ka soo qaadday Sucuudiga, min Hal Malyanna ka siisay Dowlad Goboleedyada, mar kalena min $500,000 (Shan boqoloo kun) oo doollar bixisay.

Wasiirkiisa Maaliyadda ayuu amar ku siiyay in uu soo diyaariyo xisaab celinta laga rabo islaamrkaana jawaabta ku diro Baraha bulshada maaddaama Dowladda dhexe ay iyaduba baraha bulshada u soo marsiisay.

Isagoo oo khudbad ka jeedinayey xiritaanka Shirkii Golaha iskaashiga dowlad Goboleedyada  ee lagu soo gabe gabeeyay Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah Jubbaland ayuu hadalkan sheegay.

“Waxaan inagu rabnaa si rasmi ah in ay baraha bulshada inoogu soo gudbiso wixii ay nasiisay dowlada, inana xisaabcelin waxaan ka sameyn doonnaa baraha bulshada,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com