30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Axmed Madoobe oo Amaro cusub kusoo rogay shacabka ku nool magaalada Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa amaro cusub kusoo rogay shacabka ku nool Kismaayo iyo hareeraheeda.

Axmed Madoobe, ayaa ka carooday isqabqabsiga la xiriira dhulka oo ka taagan deegaanada Jubbaland, wuxuuna sheegay in Kismaayo ugu badan tahay meelaha dhulka la isku qabsado.

Shacabka Kismaayo ayuu ku amray inay dib u celiyaan dhamaan dhulka dowladii dhexe ee dalka, isagoo sheegay inaysan u dulqaadan doonin inay dhulkaasi sii heystaan.

Maamulkiisa ayuu sheegay inuu talaabo ka qaadi doono cid kasta oo aan dib usoo celin hantida dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Shaqsiyaad gaar ah ayaa la wareegay dhulal badan oo dowladda ay ku leedahay magaalada Kismaayo, waana midda keentay in Axmed Madoobe uu amarkaasi kasoo saaraa.

Inta badan magaalooyinka dalka Soomaaliya ayaa dhulalkii dowladda dhexe laheyd waxaa gacanta ku haya shaqsiyaad gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News