Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya iyo masaariifta

Ayaamahan waxaa xowli aad u dheereeya ku socda kulamada ay qabanayaan murashixiinta Madaxweyne oo sameynaya martiqaadyo aad u waaweyn ee loo qabanaayo xildhibaanada laga doonayo in codkooda la helo…kulanki ugu dambeeyay waxaa qabtay murashax martiqaad u fidiyay 100 xildhibaan..bal qiyaas halki mudane imisa qof ayaa la socota oo madasha ku sugan. Murashaxiinta badankoodu waxay ka hadlaan mushahar la’aanta heysata ciidamada iyo abaaraha ka jira degmooyinka dalka qaarkood. Weli lama haayo hal murashax oo ugu deeqay ciidamada lacag ay masaruuftaan haba yaraatee. Bal qiyaas martiqaadka lacagta ku bexeysa inta ay la egtahay..iyadoo murashaxu ka dacwoonaya mushahar la’aanta ciidamada heysata, laakin isagu uu ku takri falaayo lacag aad u tiro badan uu ku bixinaayo martiqaad kaliya, ayna u dheer tahay laaluushka laga rabo in caddaan (kaash) u bixiyo marki dorashada la gaaro..weli ma la isweydiiyay dadkaani xagey ka keeneen lacagtaas faraha badan ay adeegsanayaan!!!

Haddaba, waxa meesha ka socda musuq iyo israaf ka weyn waana in loo helaa magac kale iyo meesha ay ka soo qulquleyso lacagtaan tiradeedu kor u dhaaftay lambarka aan naqaanno oo ah malaayiin, waxayna ku socotaa inay kor u dhaafto heerka aan qiyaasi karno..war xagey ka socotaa!!! Ma mid la iska daabacdaa mase waa mid sax ah oon la garan karin meesha ay ka timid ama ay ka soo gashay..bal ummad yahay hala baaro haddii aan gaari karno sirta ka dambeysa oo ah mid aad nooga qarsan kana tan weyn garashadeena iyo garashada kuwa loo soo dhiibay ..war aaway dadki abaaraha ay disheen iyo kuwa ku tabaaleysan xeryaha qaxootiga ee Xamar ku yaalla oo laga la’ayahay wax la quuto. Hal murashax ayaa la sheegay inuu wax ugu deeqay abaaraha, oo aaway kuwi kalena!!!

Qoraalaankani ma ahan mid qof gaar ah loola jeedo ama lagu hujuumaayo ee waa mid loo soo qaatay tusaale ahaan. Murashaxiintuna waxay xukuumada ku eedeynayaan maamul xumo baahsan oo ay iyagu nadiif ka yihiin!!! Waxay ballan qaadayaan inay isbeddel horseedayaan markey lacagtu ka dhamaato intaan doorashada la gaarin..Allow naga soo gaar inteysan na qararamsan..waxaa habboneed inay isu tagaan ay ugu deeqaan ciidamada ammankooda sugaya oo ay siiyan xoogaa fara-qabsi ah ay masaruuftaan markey shaqada ka baxaan..ma jiraa murashax weli ku fikiray ama soo jeediyay talo noocaas ah, si ay dadka ugu muujiyaan inay danaha dadka iyo dalka daneynayaan.

Dhinaca kale, waxaa xowli dheer ku socda kala iibsashada xildhibaannada oo ay dallaal ka yihiin Madaxweynayaasha gobollada:

  1. Shariif Xasan inti uu Xamar joogay wuxuu arrursaday xoogaa lacag ah isagoo ballanqaadaya codadka xildhibaannada K/Galbeed..barnaamijki uu watay waxaad moodaa inuu fashil ku dhacay uu burburay kaddib markii ay ballanki uga bexeen dadki uu tirsanaayay uu madaxooda lacagta ku qaatay.
  2. Axmad Madoobe wuxuu fadhiyaa Kismaayo oo murashaxiinta ay ugu tagaan halkiisa, kana iibsadaan codadka gacantiisa ku jira..wuxuuna heshiis la galay ugu yaraan seddax murashax oo uu ka hormarsaday carbuunki sicirka codadka. Waxaa arrintiisa ka qasay Mr.Xiddig oon afkiisa ka adkeyn oo magac jufo adeegsahaaya…markii laga adkaaday ku sigtay inuu ooyo..asagoo dhahaaya olole cusub aan billabayaa oo dad ay wax ku weyn doonaan…waxaa ka bixi waayay hambalyo iska socota oo loo qaatay inuu waashay marki uu waayay wixi uu filaayay.

3.C/weli Gaas wakiiladiisi waa ku wareereen oo ilaa iyo hadda cid codadkooda daneyneysa ma jirto waayoo gooni ayey isu faquuqeen, inkastoo Faroole uu xoogaa ka shaqshaqanaayo murashixiinta qaarkood isagoo u ballanqaadaya codad uusan heli karin.

4.Cali Cosoble Wax shaqo ah inuu ku leeyahay u maleyn maa waayoo xildhibaannada ka socda Jowhar waxay u muuqdaan dugsiley la aftaxay oo la yiri nin waliba badeecadiisa Xamar ha geysto, qiimaha uu ku rabo codkiisana gorgortan ha la galo.

5.Cabdikariim Guuleed godkiisiyaa biyo ugu galeen markaasaa loo keenay koombo dabada ka duleesha oo la yiri biyaha isaga bixi !!...waa sugeynaa wixii ka soo yeera Cadaado..codka xildhibaanadana suuqow yaalaa cidii iibsan karta ha raadsato.

Waxaa la yaab leh kuwa dhahaaya isbeddel aan rabnaa..horey ayaan uga hadlay arrintaan oo ahaa waryaa la beddelaa!!! Waxaa maanta noo muuqata in cidda la beddelaayo ay yihiin inta ku jirta barlamaanka iyo inta dalka ka talisa iyo dadki soo xulay waayoo waxaan nahay dad aan waxba isdhaamin, aadna u garaad yar una garasha gaaban, mid M/weyne Xasan Sheikh dhaamana uusan ka soo bixi doonin inta saaxada ku jirta..dalka gudihiisa waa anfici waayay markaasey dalalka deriska la aadeen balaayada ay wadaan, waayoo qaar ka mida Xamar ma imaan karaan cabsi awgeed!!!.

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com