Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabtaa doorashada guddoomiyaha xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka.
Xildhibaan C/risaaq Cismaan Jurile oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa kahadlay doorashada guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka.
Wuxuu sheegay in kursigaasi uu yahay saamiga beelaha gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya, beelaha Daaroodna aysan u tartami karin xilkaasi.
Jurile, wuxuu sheegay in kursigaasi marka la eego saamiga awood qeybsiga dalka inay leeyihiin beelaha kasoo jeeda gobolada waqooyi ama Somaliland.
Xildhibaanka ayaa sheegay in doorashada guddoonka aqalka sare ay noqon doonto mid uu kusoo baxo shaqsi kasoo jeeda Somaliland.
Wuxuu dhinaca kale ka hadlay howlaha horyaala xildhibaanada aqalka sare, wuxuuna sheegay in arimaha amaanka, nidaamka federaaleynta, iyo qeybsiga qeyraadka dabiiciga ay xooga saari doonaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

