29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xaalada Cadaado oo meel xun mareysa iyo Guuleed oo ciidamo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug, ayaa waxaa saaka lagu arkayaa ciidamo ka kooban Hay’ado dhowr ah, kuwaa oo lagu daadiyay Isgooysyada, Hoteelada iyo eeryada ay degan yihiin Xildhibaanada.

Ciidamada qaar ayaa wata gaadiidka dagaalka nooca loo yaqaan Cabdibilaha, halka qaarna ay yihiin kuwo wata keliya qoryo.

Ciidamadaani ayaa loogu tallo galay inay fashiliyaan kulan laga cabsi qabo in maanta magaalada Cadaado uu ku dhexmaro Xildhibaanada xilka ka qaaday Hogaamiyaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Ciidamada oo ka kooban Booliska iyo Nabad suggida Galmudug, ayaa la faray inay weeraraan goob waliba oo ay ku kulmayaan Xildhibaanada isla markaana xiraan dhammaan tirada Xildhibaan ee shirka lagu qabto.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa shalay isku farasaaray Ciidanada Nabadsugida iyo Ilaalo la soctay Xildhibaano dhowr ah oo lagu weeraray Hooy ay ku shirayeen.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa ku eedeeyay waxii shalay ka dhacay Cadaado Madaxda maamulka Galmudug.

Docda kale, Odayaasha dhaqanka Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in aysan aqbali karin in uu dagaal ka dhaco Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News