24.8 C
Mogadishu
Wednesday, February 11, 2026

Axmed Madoobe oo dalbaday in Amisom baxaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubaland, Axmed Madoobe, ayaa markii ugu horeysay si adag uga hadlay joogitaanka Ciidamada AMISOM ay joogan dalka Somalia.

Axmed Madoobe oo Saxaafada la hadlay ayaa Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ka dalbaday inuu ogolaado in gabi ahaan laga maarmo ciidamada AMISOM, islamarkaana dalka laga saaro.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM aanu haatan waxba looga baahneyn, islamarkaana la joogo xiligii ay dib ugu laaban la haayeen Dalalkooda.

Axmed Madoobe, waxa uu tilmaamay in boqolaal kun oo dollar lagu bixiyo Howlgalka AMISOM, isagoona sheegay in howlgalkaasi uu yahay mid aan waxba lagu dheefin, islamarkaana uusan waxba ka bedelin xaalada amni darro ee Somalia.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay Beesha Caalamka oo uu sheegay inay ka gaabiyeen dhismaha Ciidan awood leh oo Soomaaliyeed.

Haddalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Somalia uu maciin biday in Ciidamada Somalia uusan awood siinin islamarkaana kalsoonida u dhiibtay kuwa AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News